Niger oo qaadday tallaabo saameyn karta 70% korontada Faransiiska

Image

NIGER: Hogaamiyayaasha afgambiga ee dalka Niger ayaa ku eedeeyay Faransiiska inuu isku diyaarinayo faragelin militari, si uu dib xukunka ugu soo celiyo Madaxweyne Maxamed Bazoum.

Waxayna ku dhawaaqeen joojinta Uranium-ka loo dhoofiyo Faransiiska, taas oo loo arko inay tahay dharbaaxo culus oo ku dhacday Paris, taas oo ku tiirsan Uranium-ka muhiimka ah soo saarista korontada.

Uranium-ka Niger ayaa daboolaya 35 boqolkiiba baahida Faransiiska, waxayna ka caawisaa warshadaheeda Nukliyeerka inay soo saaraan boqolkiiba 70 korontadooda.

Sidaas darteed, Faransiisku wuxuu isku arkayaa xaalad adag, maadaama afgambiga Niger uu si toos ah u saamayn doono, gaar ahaan markii uu qaatay go’aan uu ku ballaarinayo warshadihiisa Nukliyeerka, taasoo ka dhigan in dalabka Uranium-ka uu hadda ka sarreeyo sidii hore.

Dhanka kale, cilmi-baare Faransiis ah ayaa xaqiijiyay in milatariga Niger oo qaatey go'aankan ay hadda ku qasban yihiin inay Uranium-ka u raadiyaan suuq kale.

Isaga oo yiri in tallaabooyinkan degdega ah aysan wanaajin doonin xaalada cakiran, mas’uuliyiinta afgambiga sameeyay ayaana og in Faransiisku uu garab istaagi doono madaxweynaha xilka laga tuuray ayna isku dayi doonaan in ay dib ugu soo celiyaan xukunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM