Nigeria: Burcad weerar ku dishay in ka badan 200 ruux

Image
Waqooyi-galbeed ee Nigeria waxaa si aad ah kor ugu kacay afduubka baahsan iyo dambiyada kale.

ABUJA, Nigeria - Qiyaastii 200 oo qof ayaa lagu dilay 10,000 oo qofna waa ay ku barakaceen weerarro ay kooxo burcad ah ku qaadeen gobolka woqooyi-galbeed Nigeria ee Zamfara, sida ay ku warantay saxaafadda.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dambeysay ka dib weerarro dhanka cirka ah oo militariga Nigeria ay ku qaadeen meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan burcadda todobaadkii hore.

Afhayeen u hadashay haweenayda lagu magacaabo Sacdiya Cumar Faaruuq, oo ah wasiirka arrimaha bini'aadantinimada, ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo meyd ah la aasay.

Faaruuq ayaa weeraradii usbuucii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Zamfara ku tilmaamay kuwo argagax leh, iyadda oo xustey in dhimashadii ugu dambeysay ee rasmi ah la xaqiijiyey horraantii Sabtida.

Wasiirka ayaa sheegay in dad ka badan 10,000 oo qof ay barokaceen markii "guryahooda ay burcaddu la dhaceen iyadoo tiro kalena la la'yahay". Maamulka gobolka ayaa horay u sheegay in 58 qof lagu dilay weerarada.

Waqooyi-galbeed ee Nigeria waxaa si aad ah kor ugu kacay afduubka baahsan iyo dambiyada kale ee rabshadaha wata tan iyo dabayaaqadii 2020 iyadoo dowladdu ay la daalaa dhacayso ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.

Sannadkii hore, budhcaddu waxay qabsatay cinwaanada warbaahinta caalamka markii weeraro xiriir ah ku qaadeen dugsiyada iyo kulliyadaha halkaas oo ay ka qafaasheen boqollaal arday ah. Intooda badan waa la sii daayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM