Nigeria oo $220 milyan doolar ku ganaaxdey shirkada leh Facebook

Image
Meta ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay sameysay xadgudubyo soo laab-laabtey oo chan ah macaamiisha shirkadda.

ABUJA, Nigeria - Nigeria ayaa xadgudubyo "badan iyo soo noqnoqda" aawadeed ganaax dhan $220 milyan oo doolar ku dhufatay Meta, shirkadda iska leh Facebook iyo WhatsApp.

Guddiga tartanka federaalka iyo ilaalinta macaamiisha (FCCPC) ayaa Jimcihii ku eedeeyay Meta inay ku xad gudubtay ilaalinta xogta dalka iyo sharciyada xuquuqda macaamiisha ee Facebook iyo WhatsApp.

Marka laga reebo ganaaxa culus, FCCPC waxay ku adkaystay in Meta ay tahay inay "u hogaansanto sharciga jira oo ay joojiso ka faa'iidaysiga macaamiisha Nigeria iyo xadgudubkooda suuqa".

Guddiga sarre ee FCCPC ayaa ku amray Meta in shirkadu tahay ay "ka waantowdo fal noocaan ah mustaqbalka ama dhaqamada kale ee aan buuxin heerarka qaran ee lagu dabaqi karo."

Meta isla markiiba kama aysan jawaabin codsi ku saabsan in laga jawaabo ganaaxa. Laakiin FCCPC waxay sheegtay in shirkaddu ay ka warqabto baaritaankeeda 38-ka bilood ah.

Sikastaba ha ahaatee, Nigeria waxaa la diiwaan-gishan ilaa 164.3 milyan qof isticmaala internet ah ilaa bishii March, sida lagu sheegay tirooyinka uu daabacay Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee NCC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM