Nin labo sano xarig loogu xukumay gubida sawirka madaxwayne

Image
Farshaxanistahan u dhashay Tansaaniya ayaa sidoo kale wuxuu qirtey inuu aflagaadeeyay madaxwayne Samia Suluhu Hassan.

NAIROBI, Kenya - Farshaxaniste u dhashay Tansaaniya oo lagu eedeeyay inuu gubay sawirka Madaxweyne Samia Suluhu Hassan, ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah ama ganaax lacageed oo dhan $2,000 (£1,600) ka dib markii lagu helay dambiyo dhanka internetka ah.

Shadrack Chaula ayaa la xiray kadib markii lagu eedeeyay inuu duubay muuqaal aad ugu faafay internet-ka oo muujinaya isaga oo gubaya sawirka madaxweyne Samia xilli uu aflagaadeeyay.

Rinjiiste 24-sano jir ah ayaa qirtay inuu galay dambiga wuxuuna ku guul dareystay inuu falkiisa kahor difaaco maxkamada horteeda taasoo keentay in xukunkiisa si degdeg ah loogu dhawaaqo.

Xarigiisa ayaa dhaliyay muran dhanka sharciga ah, iyadoo qaar ka mid ah qareenada ay sheegeen in uusan jirin wax sharci ah oo lagu gubay sawirka iyo in aysan jirin sharci loo cuksaday xukunkiisa.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala baraha bulshada ayaa bilaabay olole dhanka internetka ah si ay lacag ugu ururiyaan si ay u bixiyaan ganaaxa Chaula si xabsiga looga sii daayo.

Sannadkii 2018-kii, Tansaaniya waxay soo saartay sharciyo adag oo ka dhan ah faafinta "warar been abuur ah", kuwaas oo dadka dhaleeceeya maamulka xukunka u haya u arkaan hab lagu caburinayo ama lagula dagaalamayo xorriyadda hadalka iyo in ay dadka dhiibtaan fekerkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM