Nin Soomaali ah oo loo magacaabey Wasiirka Beeraha Tanzania

Image

TANZANIA - Madaxweynaha Tanzania Haweenayda lagu magacaabo Samia Suluhu Hassan, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay gollaha wasiirada dalkaasi 8-dii bishan.

Wasiirada cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Tanzania ayaa waxaa ka mid ah Xuseen Baashe oo loo magacaabay Wasiirka Beeraha,isagoo laga soo bedelay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Beeraha.

Wasiirka Beeraha Xuseen Maxamed Baashe oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa 26-Ogosto 1975 ayuu ku dhashay gobolka Nzega,waana siyaasi iyo ganacsade caan ah dalka Tanzania.

Xuseen Maxamed Baashe oo ah nin dhalinyaro ah oo ku biiray siyaasadda Tanzania, isagoo ka tirsan xisbiga talada haya, ayaa sidoo kale ah xildhibaan laga soo doorto dalka Tanzania, horayna u soo noqday wasiir ku-xigeenka beeraha.

Sanadihii dambe waxaa sii kordhaya Soomaalida qurba joogta ah ee xilalka ka qabanaya dalalka Caalamka qaarkood, waxaana ugu dakbeeyay Xamse Warfaa oo Madaxweynaha Mareykanka uu u magacaabay in uu kamid noqdo la taliyeyaashiisa dhinaca xaquuqul Insaanka.

Xamse Warfaa ayaa qaxootinnimo ku tagay dalka Mareykanka isagoo da’ yar sannadihii 1990-meeyadii. Waxa uu horay u ahaa ku xigeenka madaxa waaxda shaqada iyo horumarinta dhaqaalaha ee gobolka Minnesota.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM