Nin toorey ku dhaawacay madaxwayne oo meydkiisa la helay

Image
Madaxweyne Azali ayaa markii ugu horeysay xukunka ku qabsaday afgambi militari sanadkii 1999.

NAIROBI, Kenya - Nin la qabtay Jimcihii kadib markii uu mindi ku weeraray madaxweynaha Comoros ayaa meydkiisa laga helay xabsiga, sida ay sheegeen maamulka dalkaas.

Weerarka ayaa dhacay xili ay socotay aas loo sameeyay hogaamiye diimeed caan ah waxaana uu dhaawac ka soo gaaray gacanta madaxweyne Azali Assoumani.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Cali Maxamed Djounaid ayaa sheegay in markii la soo xiray ninkii weerarka geystay lagu go’doomiyay qol uu ku jiray si loo dejiyo. Waxa uu sheegay in subaxnimadii Sabtida laga helay meydka oo yaalay dabaqa qolka.

Ma cadda sababta ka dambeysay weerarka gelinkii dambe ee Jimcihii balse maamulka ayaa ku raad jooga. Wakaalada wararka ee AFP ayaa sheegtay in ninka tooreyda ahaa ay ku sheegeen inuu yahay askari 24 jir ah oo lagu magacaabo Axmed Cabdow.

Madaxweyne Azali ayaa markii ugu horeysay xukunka ku qabsaday afgambi militari sanadkii 1999. Kadib toban sano oo uu xafiiska ka maqnaa, wuxuu ku guuleystay doorasho lagu murmay sanadkii 2016, waxaana dib loo doortay bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM