Pierre Nkurunziza: Madaxweynaha Burundi oo u dhintay wadna xanuun

Image

GITEGA, Burundi - Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza oo 55-jir ahaa, ayaa u geeriyooday wadno xanuun, sidda ay warbaahinta caalamka lasoo xigatay dowladda.

War-saxaafadeed kasoo baxay xukuumadda oo saxaafadu heshay ayaa lagu xusay in Sabtidii la dhigay Isbitaal kadib markii ay soo food-saartay xaalad caafimaad darro.

Bayaanka ayaa lagu xusay Axadii xaaladiisa caafimaad ay xoogaa soo fiicnaatay balse ay fashilmeen dedaalo la doonayo in uu kaga soo kabto wadna xanuun kusoo booqdey.

Mr Nkurunziza ayaa waxaa qorshuhu ahaa in uu xafiiska ku wareejiyo Evariste Ndayishimiye oo bishii lasoo dhaafay loo doortay madaxweynaha xiga ee waddankaas.

Xilli uu xafiiska joogay tan iyo 2005-tii, Nkurunziza ayaa wajahayey eedeymo ku aadan cadaadinta siyaasiyiinta mucaaraadka. Bisha August ayaa lagu waday in uu xilka ka dego.

Ndayishimiye oo ah Jeneraal howlgab noqdey ayaa marka uu xilka ka wareego wuxuu madaxweyne ahaan doonaa muddo todoba sano ah, sidda uu xeerinayo dastuurka Burundi.

Hogaamiyeyaasha caalamka ayaa durba bilaabay in ay ka tacsiyeeyaan geerida Nkurunziza, iyagoo u rajeeyay naxariis. Waxay sheegeen in ay murugada la qeyb-sanayaan qoyska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM