Qaylo-dhaan laga soo saarey xadka Soomaaliya iyo Kenya

Image
Xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badan tahay ayaa sidoo kale looga digay muwaadiniinta Maraykanka.

WASHINGTON, USA – Maraykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan xadka  Soomaaliya iyo Kenya sababo la xiriira weeraradda argagixisada, arrimaha caafimaadka, iyo afduubka, sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee Kenya.

"Ha u safrin xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xeebaha sababo la xiriira weerarada argagixisada," ayaa lagu yiri noqol ka mid ah bayaanka oo uu arkay Garowe Online.

Gobolka Turkana ee waqooyi-galbeed waddanka Kenya ayaa sidoo kale waxaa looga digay muwaadiniinta Ameerikaanka ah dambiyadda ka dhaca awgeed.

Xaafadda Islii ee Soomaalidu ku badantahay ayaa sidoo kale looga digay muwaadiniinta Maraykanka u dhashay maadaama ay marwalba ay ka dhici karaan dambiyo la xiriira afduub.

"Xaafadaha Nayroobi ee Islii iyo Kibera mar walba waxaa ka dhici kara faldambiyeed iyo afduubka. Si gaar ah uga digtoonow marka aad u safrayso goobaha mugdiga ah ee dambiyadu ka dhaci karaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Maraykanka ayaa sheegay in ay ka dheceen Kenya weeraro argagixiso iyada oo aan la bixin digniin ah isla waqtigaas "waxaana lala beegsaday xarumaha dowladda Kenya iyo kuwa shisheeye, goobaha dalxiiska, xarumaha gaadiidka, hoteelada, goobaha nasashada, suuqyada ganacsiga, iyo goobaha cibaadada".

Bayaanka ayaa lagu sheegay in weerarada argagixisada ay ka mid yihiin kuwa hubeysan, weerarada ismiidaamin ah, bambaanooyinka, iyo afduub oo ay si gaar ah ugu nugulyihiin dadka Ameerikaanka ah ee jooga wadankaan ku yaalla bariga Afrika.

"Khatarta ka imaan karta duulimaadyada rayidka ee ka howlgala agagaarka xuduudka Kenya iyo Soomaaliya," ayaa Maamulka Duulista Hawada Maraykanka (FAA) waxa uu soo saaray Ogeysiis ku socda Hawada Sare (NOTAM) iyada oo lagu booriyay muwaadiniinta ameerikaanka ah in ay raacaan Ogeysiisyada Maamulka Duulimaadyada Maraykanka.

Kenya oo xuduud la leh Soomaaliya waxaa weeraro dhiig ku daatay ka gaystay Al Shabaab oo xiriir la leh shabakada Al Qaacid, waxa ayna joogitaan muuqda ku leeyihiin gobolka waqooyi bari Kenya iyo gobolka Lamu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM