Qoraa dhaliilay wiil uu dhalay madaxwayne oo safar laga xanibay

Image
Bishii Disembar ee 2021-kii, Kakwenza ayaa sidoo kale waxaa loo xiray wax loogu yeeray "fariin meel ka dhac ah".

KAMPALA, Uganda - Qoraa lagu xiray Uganda markii uu aflagaadeeyay wiil uu dhalay madaxweyne Yoweri Museveni ayaa loo diiday in uu u safro dibadda. Qoraaga waxa uu rajaynayay in uu u dhoofo dibadda si uu u soo qaato abaal-marin oo uu u helo daweyn.

Isagoo ka soo muuqday qolka maxkamada Kampala galabnimadii Isniinta, Kakwenza Rukirabashaija waxa uu rajaynayay in garsooruhu fududeeyo qaar ka mid ah shuruudaha dammaanadda.

Kakwenza, oo adeegsanaya qareenkiisa, ayaa doonayay in loo sii daayo baasaboorkiisa, wuxuuna sidoo kale codsaday in kiiskiisa loo wareejiyo xeerbeegtada sare si loo maxkamadeeyo.

Kakwenza waxa uu doonayaa in uu u safro Jarmalka si uu uga soo qaato abaal-marin qoraal ah oo uu ku helo daawayn gaar ah oo jidh-dil ah oo la sheegay in lagu helay xabsiga.

Bishii Disembar sanadkii 2021, Kakwenza waxaa loo xiray wax loogu yeeray "fariin meel ka dhac ah" sida uu dhigayo sharciga Uganda ee si xun u isticmaalka tiknoolajiyadda.

Qoraagu wuxuu qoray in wiilka madaxweynaha, Jeneraal Kainerugaba Muhoozi, uu yahay mid cayilan oo dabeecad xun. Muhoozi ayaa loo arkaa inuu yahay ninka bedeli kara Museveni doorashada soo socota ee 2026-ka.

Kakwenza waxa uu xirnaa muddo bil ah, waxaana in muddo ah ay ciidamadu ku hayeen meel aan la aqoonsan oo la sheegay in jirdil loogu geystay, sida ay ku warantay saxaafadda.

Qoraaga ayaa tibaaxay in si xun loo garaacay laguna qasbay in uu sameeyo qoob ka cayaar habeen iyo maalin isagoo saacado yar hurdo. Waxa uu carabka ku adkeeyay in kooxaha afduubka geystay ay sidoo kale adeegsadeen labo kiish oo ay hilib ka soo jareen bowdada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM