Qoriga AK-47 oo buux dhaafiyay suuqa madow ee Suudaan

Image
SAWIR HORE

KHARTUUM, Suudaan - Suuqa madaw ee Suudaan ayaa ku badanaya iibsiga hubka AK-47, taasoo caqabado weyn oo dhanka ammaanka ah ku soo kordhisay magaalada caadimaada ah ee Khartuum.

Hubka ay gabacsatada iibinayaan ayaa sare u kacay ka dib markii uu qarxay dagaalkii “Baxri” bartamihii bishii Luulyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in hubkan AK-47 ama Kalashnikov ee lagu farsameeyo Ruushka uu buux dhaafiyay suuqa, taasoo keentay in boqolkiiba 50 hoos u dhac ku yimaado qiimahiisa.

Ganacsade diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa ku sababeeyey hoos u dhacan colaada taagan, isaga oo tixraacaya dagaalka sokeeye ee ka qarxay Suudaan bishii Abriil.]

Rabshadahaas oo ay ka dhasheen iska hor imaadyo soo noq-noqday oo dhex maray ciidamada iyo Maleeshyaadka Gurmadka Degdeg ah, ayaa waxay ku riixday dadka deegaanka inay hub isku ilaaliyaan.

Aabe 55 jir ah oo leh lix caruur ayaa ka hadlay sababta oo u iibsaday qoriga AK-47 waxuuna yiri: "Waxaa sabab u ah dambiyada sii kordhaya iyo weerarada suurtagalka ah ee ka imaan kara maleeshiyaadka ku diriraya Khartoum."

Cabsida laga qabo isku dhacyada qowmiyadeed ayaa maalin walba sii xoogeysanaysa, iyadoo ay xiisada cirka isku shireertay.

Hubka oo si fudud lagu helaya ayaa saameeyay dabeecadda suuqa madow ee Suudaan, waagii hore, hubka la tahriibiyo waxaa laga iibin jiray inta badan falaagada iyo maleeshiyaadka ka dagaalama dalka ama wadadamada deriska la ah sida Chad.

Balse xilligan dagaalyahandau waxay hubka ka soo furtaan cadawga ay dilaan amasa qabtaan.

Rabshadaha sii kordhaya, oo ay weheliso burburka hay'adaha dawladda, oo ay ku jiraan booliiska iyo garsoorka, ayaa kor u qaaday tirada dambaiyada laga geysto Khartuum sida ay sheegeen dad xog ogaal ah.

Iyadoo dalka uu la daalaa dhacayo dagaal sokeeye oo daba dheeraaday, ayaa waxaa sare u kacday baahida loo qaba bistooladaha maadaama ay dadka u arkaan in isticmaalkeedu ka sahlan yahay qoriga AK-47-ka.

Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto colaadda weli ka taagan Suudaan.

Muwaadiniinta Suudaan ayaa u arka in ay ku go'doonsan yihiin jawi halis ah, iyaga oo aan wajahayn oo kaliya khataraha iska horimaadka, balse sidoo kale halista ka dhalan kartaa hubka badan ee lagu iibanayo suuqa madaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 01:12PM

Congo: Meydad badan oo laga helay magaalo Mucaaradka la wareegay

Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 09:00AM