Qowmiyada Sidama ee Itoobiya oo u codeynaya afti Is-maamul

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dadweynaha qowmiyadda Sidama ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay maalinta arbacada ah u codeeyaan inay noqdaan gobol gooni u taagan.

Tallaabadaas oo dhallin karta xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacda dalka, ka hor doorashooyinka qaran ee sanadka xiga.

Isku dayga ay qowmiyadda Sadima ku doonayaan inay is-maamul ku helaan, ayaa bishii July horseeday deganaansho la’aan socotay maalmo oo tobaneeyo qof ay ku dhinteen, kuna qasabtay dowladda dhexe inay maamulka gobolka hoos geyso ciidamada federaalka.

Magaalada caasimadda goboleedka ah ee Hawassa, qaar ka mid ah shacabka ayaa ka walaacsan in xiisadahaas ay dib usoo laabtaan, hase yeeshee Cherinet Deguye oo ka mid ah dadka degan halkaas ayaa sheegay in rabshadaha ay aqbali karaan haddii aftida lagu ansixiyo in bulshada Sadima ay hesho Is-maamul.

Aftida ayaa taaban doonta arrinta Is-maamulka, oo ah aas-aaska nidaamka federaalka Itoobiya ee awood ay ayaga isku maamulaan siiya qowmiyadaha kala duwan ee dalkaas, oo ay ku nool yihiin in ka badan 100 milyan oo qof.

Itoobiya ayaa hadda waxaa ka jira sagaal maamul goboleed. Datsuurka ayaa dhigaya in dowladda federaalka ah ay tahay inay abaabusho afti kasta oo qowmiyad ay ku dooneyso inay ku noqoto Is-maamul.

Xitaa haddii aftidan ay meel-marto islamarkaana natiijada la aqbalo, waxay horseedi kartaa in qowmiyado kale ay qaadaan tallaabo noocaas ah, taasi oo sare usii qaadi karta xiisadaha qowmiyadeed ee dalkaas.

Ugu yaraan 10 qowmiyad oo degan koonfurta dalkaas ayaa gudbistay codsi ay ku doonayaan inay ku noqdaan is-maamul madax banaan, kaasoo isagu go'aan ka gaaro arrimihiisa gaarka u ah.

VOA + GO

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM