Ra'iisul wasaaraha Liibiya oo isku-day dil ka badbaadey

Image
Dabley aan la aqoonsan ayaa weerartay kolanyo uu la socdey Cabdulxamiid Dbeibah.

WASHINGTON, USA – Dabley hubeysan ayaa weerar ku qaaday kolonyo uu la socday ra’iisul wasaaraha Liibiya, Cabdulxamiid Dbeibah oo marayey caasimadda Tripoli, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii hore ee Khamiista maanta xilli hogaamiyaha ku meel gaarka ah uu ku soo laabanayay dalkiisa, sida ay ilo-wareedyada u sheegeen Talefashinka Al Jazeera.

Rasaasta mid ka mid ah ayaa gudaha u gashay muraayadda gaariga ra’iisul wasaaraha, balse isaga iyo darawalkiisa ayaa ka badbaaday. Muuqaal gaar ah oo ay heshay warbaahinta ayaa muujinayay wax u muuqday gaariga Dbeibah oo ay xabaddu ka baxday muraayada hore.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in rasaasta laga soo tuuray hub fudud, lagana yaabo inuu ahaa qoriga Kalashnikov ee lagu farsameeyay dalka Ruushka. Madaxa dacwad oogaha Liibiya ayaa bilaabay baaritaan, ilo-wareedyada ayaa sheegay.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidoo kale ka warantay weerarka, iyadoo sheegtay in mid ka mid ah dadka ku dhow dhow Ra’iisul wasaaraha uu ku tilmaamay mid isku day dil ah.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan khilaaf xooggan oo kooxaha isku haya talada dawladda, iyadoo Dbeibah – oo loo magacaabay hoggaamiyaha ku meel gaadhka ah sannadkii hore – uu ballan qaaday inuu la dagaallami doono dedaallada ay wadaan mucaaradkiisa si ay u beddelaan.

Liibiya waxaa ka jiray dagaal iyo rabshado yar tan iyo markii ay NATO taageertay kacdoonkii looga soo horjeeday hoggaamiyihii hore ee Mucamar Al-Qadaafi sanadkii 2011. Dalka Liibiya ayaa 2014-kii u kala jabay kooxo isku haya bariga iyo galbeedka.

Dbeibah, oo ah ganacsade awood badan, kana soo jeeda magaalada Misrata, ayaa loo magacaabay madaxa dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Midnimada Qaran (GNU) bishii March, waxaana loo xil saaray inuu dalka ku hoggaamiyo doorasho 24-ka December ah.

Waxaa la siiyay xilka ku meel gaarka ah iyadoo shuruud looga dhigay inuusan doorashada ka qaybgelin, balse bishii November ayuu ku dhawaaqay inuu yahay musharax taas oo ay kuwa kale ku tilmaameen cadaalad darro.

Doorashadan ayaa ugu dambayntii la laalay iyada oo ay jiraan khilaafyo u dhexeeya garabyada isku haya shuruucda doorashada, baarlamaanka oo inta badan taageerayay ciidamada bariga ee dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa ku dhawaaqay xisbiga GNU mid aan shaqayn.

Maanta oo Khamiis ah xubnaha baarlamaanka ayaa loo qorsheeyay inay soo doortaan hoggaamiye ku meel gaar ah oo ay ka kala dooranayaan laba murashax oo kala ah: Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee awoodda badan Fathi Bashagha, oo 59 jir ah, iyo Khaled al-Bibass, 51 jir ah, oo hore uga tirsanaan jiray wasaaradda arrimaha gudaha.

Dbeibah ayaa horaantii todobaadkan sheegay in uu iska caabin doono isku dayo kasta oo uu sameeyo baarlamaanka oo fadhigiisu yahay bariga magaalada Tobruk, si uu u bedelo xukuumadiisa fadhigeedu yahay Tripoli.

"Ma aqbali doono marxalad cusub oo ku meel gaar ah ama maamul is barbar socda," ayuu yiri, isagoo caddeeyay in dowladdiisu ay xukunka ku wareejin doonto oo keliya "Dowlad la soo doortay".

Qaramada Midoobay, quwadaha reer galbeedka iyo qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa ugu baaqay Dbeibah inuu ku sii jiro doorkiisa ilaa doorashada. Taariikhda cusub ee doorashada ayaan wali la xaqiijin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM