Ra'iisul Wasaaraha Sudan oo xilka iska casilayo

Image

KHARTOUM — Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa u sheegay koox siyaasiyiin qaran ah iyo aqoonyahanno inuu doonayo inuu xilka iska casilo saacadaha soo socda, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen laba ilo wareed oo ku dhow Hamdok Talaadadii.

Hamdok ayaa dib loo soo celiyay 21-kii hore ee Novemer ka dib afgambi bil ka hor ahaa oo ay ciidamadu kula wareegeen talada, iyaga oo ay soo afjaray heshiis iskaashi oo ku meel gaar ah oo ay la lahaayeen xisbiyada siyaasadda.

Sabtidii, boqollaal kun oo qof ayaa socod ku maray aqalka madaxtooyada, iyagoo diiday xukunka militariga iyo go’aankii Hamdok ee ahaa inuu soo laabto, taasoo uu sheegay inuu u qaatay si uu u ilaaliyo guulihii la gaaray xilligii kala guurka iyo joojinta dhiigga daadanaya.

Ilaa 47 qof ayaa ku dhintay mudaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga, oo ay ku jiraan labo ka mid ah oo ku dhintay mudaharaadkii Sabtidii.

Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii sheegtay inay heleen warbixino ku saabsan kufsi wadareed loo geystay 13 haween iyo gabdho ah.

Ilo wareedyo ku dhow Hamdok ayaa horey u sheegay in uu xilka sii heyn doono oo kaliya hadii uu helo taageero siyaasadeed iyo hadii heshiiska ay galeen rayidka iyo militariga la fuliyo.

Waxa ay ugu baaqday militariga in ay sii daayaan maxaabiista siyaasadeed, ay ilaaliyaan xoriyatul qawlka iyo in Xamdook uu si madax banaan u soo magacaabo golaha wasiirada cusub.

Waxaa militariga loogu baaqay in ay sii daayaan maxaabiista siyaasadeed, ayna ilaaliyaan xoriyatul qawlka iyo in Xamdook uu si madaxbannaan u soo magacaabo golaha wasiirada cusub.

War qoraal ah oo uu soo saaray dhamaadki todobaadki, Hamdok waxa uu ku sheegay in Sudan ay ku sii siqanayso “xaalad baqdin leh”, isaga oo ku eedaynaya khalkhal siyaasadeed iyo in aan la isku raacsanayn heshiis siyaasadeed oo cusub.

Kooxda uu Xamdok u sheegay warka iscabiladdiisa ah Talaadadii ayaa ugu baaqday inuu sii joogo booskiisa laakiin wuxuu ku adkaystay inuu bixi doono, sida ilo wareedku intaas ku daray.

Reuters

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM