Ra'iisul Wasaaraha Sudan oo xilka iska casilayo

Image

KHARTOUM — Ra’iisul wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa u sheegay koox siyaasiyiin qaran ah iyo aqoonyahanno inuu doonayo inuu xilka iska casilo saacadaha soo socda, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen laba ilo wareed oo ku dhow Hamdok Talaadadii.

Hamdok ayaa dib loo soo celiyay 21-kii hore ee Novemer ka dib afgambi bil ka hor ahaa oo ay ciidamadu kula wareegeen talada, iyaga oo ay soo afjaray heshiis iskaashi oo ku meel gaar ah oo ay la lahaayeen xisbiyada siyaasadda.

Sabtidii, boqollaal kun oo qof ayaa socod ku maray aqalka madaxtooyada, iyagoo diiday xukunka militariga iyo go’aankii Hamdok ee ahaa inuu soo laabto, taasoo uu sheegay inuu u qaatay si uu u ilaaliyo guulihii la gaaray xilligii kala guurka iyo joojinta dhiigga daadanaya.

Ilaa 47 qof ayaa ku dhintay mudaharaadyo looga soo horjeedo xukunka militariga, oo ay ku jiraan labo ka mid ah oo ku dhintay mudaharaadkii Sabtidii.

Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii sheegtay inay heleen warbixino ku saabsan kufsi wadareed loo geystay 13 haween iyo gabdho ah.

Ilo wareedyo ku dhow Hamdok ayaa horey u sheegay in uu xilka sii heyn doono oo kaliya hadii uu helo taageero siyaasadeed iyo hadii heshiiska ay galeen rayidka iyo militariga la fuliyo.

Waxa ay ugu baaqday militariga in ay sii daayaan maxaabiista siyaasadeed, ay ilaaliyaan xoriyatul qawlka iyo in Xamdook uu si madax banaan u soo magacaabo golaha wasiirada cusub.

Waxaa militariga loogu baaqay in ay sii daayaan maxaabiista siyaasadeed, ayna ilaaliyaan xoriyatul qawlka iyo in Xamdook uu si madaxbannaan u soo magacaabo golaha wasiirada cusub.

War qoraal ah oo uu soo saaray dhamaadki todobaadki, Hamdok waxa uu ku sheegay in Sudan ay ku sii siqanayso “xaalad baqdin leh”, isaga oo ku eedaynaya khalkhal siyaasadeed iyo in aan la isku raacsanayn heshiis siyaasadeed oo cusub.

Kooxda uu Xamdok u sheegay warka iscabiladdiisa ah Talaadadii ayaa ugu baaqday inuu sii joogo booskiisa laakiin wuxuu ku adkaystay inuu bixi doono, sida ilo wareedku intaas ku daray.

Reuters

Related Articles

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM

Midowga Afrika iyo IGAD oo wada Dadaallo Lagu Badbaadinayo Heshiiska Nabada South Sudan

Waxaa sidoo kale la is weydiinayaa in wafdigani ay fursad u heleen la kulanka Madaxweyne Ku Xigeenka Koowaad Riek Machar.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 08:34AM