Rag muuqaal ka duubay haweeney ay kufsadeen oo la xiray

Image
Haweeneydan ayaa ugu dambeyntii u suurtagashay inay is-xoreyso kadibna si dirqi ah ku baxsato.

NAIROBI, Kenya - Afar nin ayaa lagu xiray waqooyi bari Ghana, kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen muuqaal faafay oo muujiyey haweeney laga siibay dharka lana faraxumeeyay iyadoo dad badan ay daawanayeen.

Haweeneydan oo la rumeysan yahay inay ka soo jeedo bulshada Fulani ayaa ugu dambeyntii u suurtagashay inay is-xoreyso kadibna si dirqi ah ku baxsato.

Shilkan ayaa ka dhacay suuqa magaalada Zebilla ee gobolka Saraar halkaas oo ay ka taagneyd xiisad muddo soo jiitameysay oo u dhaxeysay xoolo dhaqato reer guuraa ah oo Fulani ah iyo dadka deegaanka.

Bulshooyinka oo colaadooda inta badan ay ka dhashaan khasaaro baaxad leh ayaa inta badan ku muransan daaqsinka xoolaha lo’da iyo helidda biyaha.

Xiisadan ayaa dhawaan ka dhalatay dil loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ka soo jeeda magaalada kaas oo la sheegay in lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada.

Wararka laga helay dadka deegaanka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay haweeneyda laga yaabo in uu aargoosi u ahaa dilkaas.

Booliisku waxay dhacdada ku tilmaameen mid bini'aadantinimo ka baxsan oo bahdilaad ah waxayna sheegeen in la diyaarinayo sidii haweenaydaasi taageero nafsiyeed-bulsheed loogu fidin lahaa.

"Eedeysanayaasha xabsiga ku jira ayaa sidoo kale gacan ka geysanayay baaritaanka si loo soo qabto dad kale," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraal kasoo baxay taliska ciidamadda booliska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM