Recep Erdogan oo booqasho rasmi ah ku tagaya DRC

Image

ANKARA, Turkey – Arrimaha ammaanka iyo dhaqaalaha ayaa xudunta u noqon doona booqashada rasmiga ah ee madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo Axadda booqan doona Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, sida ay sheegtay madaxtooyada Congo.

Madaxweyne Felix Tshisekedi ayaa lagu wadaa inuu la kulmo dhiggiisa Turkiga, kaasoo ay taageerayaan "wafuud xooggan" oo ka kooban xubno ka tirsan dowladda iyo ganacsato ka socda Turkiga, ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Congo.

Booqashada Erdogan ee Afrika, laga bilaabo Febraayo 20 ilaa 23, wuxuu u mari doonaa Senegal iyo Guinea-Bissau.

Safarkiisa DRC oo qaadan doona laba maalmood ayaa la doonayaa in uu Ankara iyo Kinshasa ka caawiyo xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga, ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Waxay "dabo socotaa kulamadii laba geesoodka ahaa ee labada madaxweyne ku yeesheen" bishii Sebtembar ee Ankara iyo December ee Istanbul.

Bishii Sebtembar ee la soo dhaafay, Tshisekedi ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Ankara, ka dibna wuxuu u safray Istanbul bishii Decembar halkaas oo uu kaga qeyb galay shir madaxeedka Turkiga iyo Afrika.

Xiriirka u dhexeeya Ankara iyo Kinshasa waxa uu ahaa mid wanaagsan dhawr sano waxaana hada sii kordhaya maal-gashiga Turkiga ee DRC.

Ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labadooda ayaa gaaraya ilaa 40 milyan oo dollar balse Turkiga ayaa doonaya inuu xoojiyo joogitaankiisa Afrika. Laga soo bilaabo 2003, hada ganacsiga ay la leedahay qaaradda ayaa kor uga kacay laba bilyan oo doolar ilaa ugu yaraan 25 bilyan oo doolar.

Erdogan waxa uu Afrika booqday ku dhawaad 40 jeer tan iyo 2005, isaga oo ah Ra’iisal Wasaare iyo Madaxweyne, tan iyo markii Turkigu uu qaarada Afrika ka furay ilaa 40 safaaradood.

Saamaynta Turkiga waxa ay dabooshaa dhanka difaaca iyada oo Ankara ay sanadki 2017 ka daah furtey saldhig ciidan ee dibada magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

DRC ayaa soo wajahday xaalad amni darro oo ka jirta gobolkeeda bari taas oo ay ugu wacan tahay in ay ku sugan yihiin daraasiin kooxo hubaysan oo si joogto ah u handada dadka rayidka ah.

Waxaa socda howlgalo militari oo ka dhan ah kooxahan oo ay ku jiraan Allied Democratic Forces (ADF), faraca Daacish ee Bartamaha Afrika oo lagu eedeeyay kumanaan dil oo ka dhacay bariga DRC.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM