Ruto: Waan kordhin doonaa mudada ciidankeena joogayaan Soomaaliya

Image
Al-Shabaab ayaa maalmihii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ka geysaneyso dalka Kenya.

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne William Ruto ayaa tilmaamay in ciidamadda Kenya ee jooga Soomaaliya laga yaabo in ay halkaas ku sii sugnaadaan wax ka badan jadwalka dhimista ee fulintiisa ay bilaabatay.

Ruto ayaa shaaca ka dhigay in dalalka safka hore ee Kenya, Uganda, iyo Itoobiya ay go’aansadeen in ay ku sii socdaan muddada loo qabtay si aysan u lumin guulaha la gaaray.

"Waxaan go'aansanay haddaan nahay dalalka safka hore - Uganda, Kenya, Sudan - inaan ku sii jirno koorsadan, haddii loo baahdo, waxaanan u aragnaa inay lama huraan tahay inaan ka sii gudubno jadwalka dhimista si aynaan lumin waxa aan gaarnay kaliya sababtoo ah waxaan ka soo baxnay xaalad oo aan u ogolaanay al-Shabaab in ay dib ugu soo laabtaan isla'egta ama masraxa," ayuu yiri.

Ruto ayaa hadalkaasi ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka France 24, waxa uuna wacad ku maray inay ka hortagi doonaan Kooxdaasi argagaxisada ah.

Kooxda argagixsada ayaa kordhisay weerarada ay ka geysaneyso dalka Kenya, iyadoo ay dib u soo cusboonaatay taasi oo ay ku dhinteen in ka badan 30 qof bishii la soo dhaafay oo kaliya meel u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa ka dhacday Lamu habeenkii Sabtida halkaas oo shan qof lagu dilay kadib weerar gaadmo ah oo ay ku ekeeyeen tuulo ay dagan yihiin reer guuraa.

Afar ka mid ah raggan ayaa qoorta laga gooyay halka mid ka mid ah laga toogtay meel dhow. Kooxda weerarka geysatay ayaa sidoo kale waxaa gubey guryo ku yaala xaafadaasi ka hor inta aysan la baxsan raashiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM