Sacuudiga oo u hanjabay dhinacyada isku-haya xukunka Suudaan

Image
Dhawaqan ayaa ka dambeeyay markii lagu dhawaaqay xabad-joojin socon doonta muddo 72-saac ah.

KHARTUUM, Suudaan - Xabbad-joojin 72-saac ah oo u dhaxaysa dhinacyada isku haya waddanka Suudaan ayaa dhaqan-gashay ka-hor shirka bini’aadantinimada, si loogu oggolaado in la gaarsiiyo dalka gargaar baahi weyn loo qabo.

Xabbad-joojintu waxay dhaqan gashay 6:00 subaxnimo (0400 GMT) Axadii, iyadoo dhexdhexaadiyayaashu ay sheegeen in labada dhinac ay ku heshiiyeen inay ka fogaadaan weerarrada ayna ogolaadaan xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo gaarsiinta gargaarka bini'aadantinimo.

"Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka waxay ku dhawaaqeen heshiiska wakiillada ciidamada qalabka sida ee Suudaan (SAF) iyo ciidamada gurmadka degdegga ah (RSF) ee ah xabad-joojinta guud ahaan Suudaan muddo 72 saacadood ah," ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Sacuudiga.

Tan iyo 15-kii Abriil, ciidamadda uu hoggaamiyo Abdel Fattah al Burhan waxay la dagaallamayeen ciidamo ka amar qaata ku xigeenkiisii ​​hore Maxamed Xamdaan Daglo, ka dib markii ay labadooduba isku-qabteen habka awood qeybsiga.

Heshiisyo dhawr ah oo la gaarey ayaa la jabiyey waxaana dhacay dagaal galaaftay nolosha in ka badan 2,000 kuna qasbay in ay qaxaan in ka badan laba milyan oo ay ku jiraan ugu yaraan 528,000 oo dibadda u qaxay.

Iska hor-imaadyada ayaa sii xoogeystay ka hor inta aysan labada dhinacba ballan qaadin inay ixtiraamayaan xabbad joojintii ugu dambeysay ee bayaanno kala duwan ay soo saareen fiidnimadii Sabtida.

RSF waxa ay sheegtay in ay u hoggaansami doonto joojinta dagaalka, halka ciidamadu ay tibaaxeen "in kasta oo ay naga go'an tahay xabbad-joojinta, waxaan si cad uga jawaabi doonnaa xad-gudub kasta oo ay falaagadu geystaan".

Sacuudi Carabiya ayaa ku hanjabtay inay "dib u dhigi doonto" wada xaajoodyada dhulkeeda ka dhacaya ee u dhexeeya labada dhinac "haddii dhinacyadu ku guuldareystaan ​​inay ixtiraamaan xabbad-joojinta 72-saacadood ah".

Wadahadalladan oo billowday toddobaadyo ka hor, ayaan illaa hadda wax heshiis ah lagu gaarin. Riyadh iyo Washington ayaa dhexdhexaadinaya labada dhinac iyadda oo Imaaraadka Carabta uu la saftey xoogaga hubeysan ee loo yaqaano RSF.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM