Safaarada Kenya ee Khartuum oo albaabada la isugu dhuftey

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli uu sii xoogeystay iska hor-imaadyada u dhaxeeya ciidamada iska soo horjeeda.

NAIROBI, Kenya - Dowladda Kenya ayaa albaabadda isugu dhufatay xafiiskeeda diblumaasiyadeed ee magaalada Khartoum ee caasimadda dalka Suudaan, iyadoo uu sii xoogeystay iska hor-imaadyada u dhaxeeya ciidamada milateriga ee iska soo horjeeda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in howlgalka uu ahaa mid furan oo lagu taageerayo daad-gureynta muwaadiniinta Kenya, balse hadda la xiray maadaama ay khatar kala kulmeen dagaallada.

Korir Singoei, oo ah xoghayaha guud ee arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba-joogta, ayaa sheegay in Kenya ay weli u furan tahay fududeynta daadgureynta qof kasta oo Kenyan ah oo ku sugan Suudaan.

"Waxaan sii wadnaa in aan helno war dhiillo leh oo ku saabsan beegsiga saraakiisha diblomaasiyadeed ee kooxaha hubeysan ay ku hayaan magaalada Khartoum ee dalka Suudaan," ayuu yiri.

Singoei ayaa intaas ku daray: "Howlgalka Kenya ee Khartoum oo u furnaa inuu fududeeyo daadgureynta dadka Kenyanka ah ee weli dalka ku sugan hadda waa xiran yahay".

Nayroobi waxa ay taageertay dadaallada Afrikaanka ah ee lagu soo afjarayo iska-hor-imaadka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo xoogaga taageerada degdegga ah.

Kenya ayaa ilaa iyo hadda badbaadisay ugu yaraan 900 oo qof bilowgii bishii May, iyadoo uu socday dagaalka u dhexeeya jeneraalada Suudaan. Dalka Suudaan waxaa ku noolaa in ka badan 3,000 oo Kenyan ah, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM