Shacab lagu xasuuqay weerar dabley ay ka fulisay Burkina Faso

Image
Burkina oo ka mid ah wadamada ugu faqiirsan caalamka ayaa la daalaa dhacaysa kacdoonka jihaad doonka ah.

NAIROBI, Kenya - Ku dhawaad ​​15 qof oo rayid ah ayaa Arbacadii lagu dilay weerar dad looga shakisan yahay jihaadiyiin ka geysteen Burkina Faso, sidda ay illo-wareedyo dhanka ammaanka ah u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

"Argagixisadu waxay aroornimadii hore ee saaka weerar ku qaadeen Sorgha, oo ka tirsan gobolka bari ee Gnagna, kaas oo galaaftay nolosha 15 qof oo ay ku jiraan haween," ayuu sarkaal maxalli ah u sheegay AFP.

Falkan ayaa dhaliyey qaxa dad ka baqdin qabay inuu daato dhiig kale. Weerarka ayaa waxaa xaqiijiyay qof ka mid ah dadka deegaanka iyo laamaha ammaanka.

Burkina oo ka mid ah wadamada ugu faqiirsan caalamka ayaa la daalaa dhacaysa kacdoonka jihaad doonka ah ee ka socda dalka Mali tan iyo sanadkii 2015-kii, waxaana dalkaasi lagu dilay in ka badan 10,000 oo qof oo isugu jira rayid, ciidamo iyo booliis.

Ugu yaraan 2 milyan oo qof ayaa ku barakacay colaadan, sidda ay warbixino kala duwan ku sheegeen hay'addo NGO ah kuwaas oo tibaaxay in ay xogta kasoo xigteen dadka degaanka.

Carada ka dhex jirta militariga oo ku guuldareystay inay ka takhalusaan ololahan ayaa waxaa ka dhashay labo afgambi oo Burkina Faso ka dhacay sanadkii hore.

Afar weerar oo ay fuliyeen kooxo looga shakisan yahay jihaadiyiinta Burkina Faso ayaa lagu dilay ugu yaraan 40 maleeshiyaad mutadawiciin ah iyo 39 askari oo caadi ah usbuucii hore, sida ay sheegeen ciidamada iyo ilaha ammaanka.

Labada iska horimaad ee ugu dhimashada badnaa ayaa ka dhacay gobolka bartamaha-Nord 26-kii June, waxaana tirooyin hore ay sheegeen in ay ku dhinteen tobaneeyo qof halka ay ku dhaawacmeen tirro kale oo illaa hadda aan la cayimin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhinacyada ku dagaalamaya Congo oo loogu baaqey inay sameeyeen xabbad-joojin degdeg ah

Kagame ayaa shirka si toos ah uga soo qeyb galay, halka Tshisekedi uu uga qayb galay muuqaal ahaan.

  • Afrika

    09-02-2025

  • 02:39PM

Sudan: Dagaal culus oo ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda

Dhinaca koonfureed, goobjoogayaal ayaa sheegay in iska horimaadyo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa RSF.

  • Afrika

    06-02-2025

  • 01:12PM