Shaqaalaha markab la afduubtay oo lasoo badbaadiyey

Image
Markabka Monjasa Reformer ee uu ka babanaya calanka Liberia ayaa waxaa saarnaa 16 badmaaxiin ah.

NAIROBI, Kenya - Lix shaqaale ah oo ay budhcad-badeeddu bishii hore ka qafaasheen markab shidaal oo laga leeyahay Denmark kuna sii jeeday Jamhuuriyadda Congo ayaa laga soo badbaadiyay Nigeria, sida uu sheegay mulkiilaha markabka.

Markabka Monjasa Reformer ee uu ka babanaya calanka Liberia ayaa waxaa saarnaa 16 badmaaxiin ah, markii burcadbadeeddu ay weerareen 25-kii bishii March.

Maamulaha Monjasa Anders Ostergaard ayaa sheegay in "shaqaalaha ay ku sugan yihiin xaalad caafimaad oo aad u wanaagsan, marka loo eego duruufaha adag ee ay ku jireen in ka badan shan toddobaad".

"Dhammaantood waxa ay qaadanayeen baaritaanno caafimaad, waxaana hadda lagu celinayaa dalalkooda si ay ula midoobaan qoysaskooda," ayuu yiri Ostergaard.

Shirkadda maraakiibta ayaa horay u sheegtay in ay lumisay xiriirkii ay la lahayd shaqaalaha markabka, kaddib markii ay burcad-badeeddu soo galeen markabka.

Budhcad badeeda ayaa muddo dheer khatar ku ahaa gacanka Guinea, oo ah marin weyn oo maraakiibta laga soo raro Senegal ilaa Angola 5,700km Laakiin tan iyo 2021, maraakiibta ayaa sheegaya in budhcad-badeeddu ay duullaanka ka sii waday biyaha caalamiga ah.

Rabshadaha iyo xeeladahooda casriga ah ayaa keenay codsiyo ka yimid shirkadaha maraakiibta si ay u helaan ciidamo shisheeye oo xoog badan oo la mid ah howlgalka lagu xakameynayo weerarrada burcad badeeda Soomaaliya toban sano ka hor.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM