Shaqaale dowladeed oo kufsaday ardayad oo xabsi daa'in lagu xukumay

Image

CAPE TOWN, Koonfur Afrika – Shaqaale ka tirsanaa xafiiska boostada ee Koonfur Afrika, Luyanda Botha, ayaa lagu xukumay xabsi daa'in markii uu qirtay in uu faroxumeeyay kadibna dilay ardayad 19-jir ah, Uyinene Mrwetyana.

Dilkeedii bishii August ayaa sababay mudaaharaadyo waaweyn, kuwaas oo isku rogay rabasho ay dumarka sameeyaan.

Sacab badan ayaa wuxuu ka dhacay gudaha maxkamada markii ay xukunka garka u gelisay maalintii Jimcaha.

"Xukunkaan ma bedeli doono Uyinene balse waan qadarineynaa," ayuu adeerkeeda u sheegay LOL.

Gudaha Koonfur Afrika ku dhowaad 2,700 oo haweenay ayaa waxaa kufsaday ragga wadankaa, sanadki hore.

Tani ayaa shan jibaar waxay ka badan tahay caalamka. Waxaa wehlisa in ay 100-kufsi dhacaa maalin walba.

Bishii September ee sanadkan 2019-ka, baarlamaanka oo si degdeg ah yeeshay ayaa wuxuu soo jeediyay talaabo degdeg ah oo la qaado markii rabashadaha ka dhanka ah caruurta iyo haweenka ay meeshii ugu sareysay gaartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM