Shaqsiyaad DF u gacan-gelisay Kenya oo maxkamad lasoo taagay

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Kenya ayaa dacwad la xiriirta argagixisinimo kusoo oogtay Idris Opwora Wesonga iyo Joseph Juma Odhiambo.

Eedeysaneyaasha ayaa bishii October 2019 waxaa degaanadda Jubooyinka ka qabtay ciidamadda Soomaaliya kuna wareejiyey Kenya.

Wesonga iyo Odhiambo ayaa lagu eedeeyay in ay Soomaaliya u safreen iyaga oo aan ku wargelin dowladda Kenya ayna ku biiri rabeen Al-Shabaab.

Baareyaasha ayaa sheegay in ay kusii jeedeen Baydhabo, caasimada ku meel gaarka Koonfur Galbeed, si ay xubin uga noqdaan ururkaas.

Saraakiisha booliska ayaa xusay in shaqsiyaadkan ay todobaad si dhuumaaleysi ah ku joogeen Mandheera kadibna u gudbeen Soomaaliya.

Dacwad-oogeyaasha ayaa horgeeyay fadhiga maxkamadda caddeymo ay kamid yihiin in ay wateen Baasabooro been abuur ah.

Markii fursad loo siiyey in ay hadlaan intii ay socotay dhageysiga kiiskooda, Wesonga iyo Odhiambo ayaa iska fogeeyay eedaha loo jeediyey.

Ugu dambeyntii, garsooreyaasha maxkamadda ayaa go'aamiyey in gal-dacwadeedka xubnahaan ay xukun ku ridi doonan 10-ka January, 2020.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo siyaasadda laba wajiila-nimo ee Geeska Afrika

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 29-kii Sebtembar…

  • Afrika

    04-10-2026

  • 03:08AM

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya — 3 Oktoobar 2026

Warbixin AFP ah ayaa sheegaysa in hoggaamiyeyaasha iyo dagaalyahannada TPLF…

  • Afrika

    03-10-2026

  • 12:00PM