Shirqool ka dhan ah safaarada Imaaraadka oo la fashiliyey

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Itoobiya ayaa 15 qof u xirtay in ay maleegayeen weerar ka dhan ah safaaradda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee magaalada Addis Ababa, sidda ay ku warantay warbaahinta dowladda oo soo xigatay war-saxaafadeed kasoo baxay Taliska Hay'adda Sirdoonka.

Sidda ku xusan warbixinta, shabakadan oo si toos ah ula shaqeynayey shisheeye ayaa lagu qabtay tirro aan la cayimin oo qoryo fudud ah, walxaha qarxa iyo dukumiinyo ku saabsan qorshooda.

"Kooxdan oo la shaqeynayey koox ajnabi oo argagixiso ah ayaa diyaarinayey in ay waxyeelo daran u geystaan hanti dadwayne iyo naf bini'aadam," ayaa lagu yiri warbixinta ay baahisay saxaafada dowlada.

Wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaan wali ka jawaabin warkan mana ka hadlin codsiyo loo diray.

Koox labaad oo qorsheyneysay in ay beegsato howlgalka diblumaasiyadeed ee Imaaraadka ku leeyahay Suudaan ayaa, sidda ku cad warbixinta Wakaaladda Wararka Itoobiya, sidoo kale la qabtay.

Wakaaladda wararka ayaa intaas ku dartay in Sirdoonka Itoobiya uu kala shaqeynayo dhigiisa Suudaan sidii ay u dabageli lahaayeen shabakadan. Ma jiro war kasoo baxay mas'uuliyiinta Khartuum.

Dhamaan 15-ka qof ee la xiray ayaa, sidda ay muujinayaan warbixinada, waxay ku dhowaayeen ama laga soo qabtay nawaaxiga safaarada, halka mid kamid ah raga abaabulayay weerarkaas oo maalgelinta ka helay shaqsiyaad dibadda iyo gudaha ku sugan, lagu xiray waddanka Sweden.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM