Somaliland oo madaar iyo deked ku raadinaysa aqoonsi

Image
Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale.

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland ayaa u soo bandhigtey Mareykanka qorshe la xiriira in ay u ogolaato Mareykanka marsada iyo madaarka Berbera si uu ugu bedelo aqoonsi, sidda uu wariyey wargeyska World Street Journal.

Jariiradan Ameerikaanka ah oo soo xiganeysa illo wareedyo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka dhigtey in Washington aysan wali jawaab rasmi ah ka bixin soojeedinta maamulka gooni-isu-taaga ah.

Sida laga soo xigtey warbixinta majaladda afka dheer, Mareykanka ayaa wuxuu u arkaa garoonka iyo dekadda Berbera marin istaraatiiji ah oo uu ku wiiqi karo qorshaha Shiinaha ee isku balaarinta geeska qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa, sida ku xusan warbixinta, waxaa lagu waddaa in uu booqdo Washington bisha Maarso ee sanadkan 2022-ka.

"Mudada uu joogo halkan [Washington] waxaa la filayaa in uu diiradda saaro soo bandhigida danaha Ameerikaanka ugu sugan isticmaalka dekadda Berbera," ayuu tibaaxay. "Magaaladan dhacda Gacanka Caddan waxay isku xirtaa Badda Cas, Kanaalka Suez iyo Mediterranean".

Isku-dayga xukuumadda Biixi ayaa kusoo aadaya xilli dhowaan ay si furan uga dhawaajisay in ay hakineyso wadahadalada dowladda federaalka sababo ku aadan in Muqdisho "aysan dhab ka ahayn helida go’aan miradhal ah".

Somaliland ayaa tan iyo 1991-dii waxay sheegataa in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale. Balse, waxay dunida wali u aqoonsan tahay maamul hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho.

Baarlamaanka waddanka Ingiriiska oo bishii horey ka doodey "aqoonsiga" Somaliland ayaa isku-raacay in go'aankaas uu yahay mid kaliya ay go'aan kawada gaari karaan xukuumadaha Muqdisho iyo Hargeysa.

Socdaalka Biixi ee Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli ay soo dhow-dahay doorashada madaxtinimada Soomaaliya, waxaana siyaasiyiinta degaanka ay u arkaan isku-day uu ku doonayo in uu ugu isticmaalo ololihiisa coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM