Soomaali ka tirsanaa booliska keydka Kenya oo la khaarijiyey

Image
Maxamed Maxamed Cabdullaahi ayaa la beegsadey xilli uu kusii jeeday hoygiisa xilli saq dhexe ah.

NAIROBI, Kenya - Booliska Kenya ayaa ugaarsanaya rag hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin dagaalameyaasha Al Shabaab oo toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidanka kaydka qaranka. Falkan ayaa ka dhacay deegaanka Guticha ee Waqooyiga Mandheera.

Meydka Mohamed Mohamed Abdullah oo caan ka ahaa deegaankaas ayaa, sidda ay ku warantey majaladda The Star, waxaa la helay subaxnimadii Isniinta kadib toogashada.

Dadka deegaanka oo ay soo xigatay Jariiradda afka adheer ayaa shaaca ka dhigay in dableyda ay marxuumka kaga daba-tageen gurigiisa oo ay ku toogteen 2-dii saq dhexe.

"Waxay baxsadeen wax yar ka dib dhacdadii 29-kii May, booliisku waxay sheegeen in ay ka shakisan yihiin in lagu raad joogo," ayay raacisay warbixinadda wargeyska.

Booliiska ayaa daqiiqado kadib falka khaarijinta ah soo gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana ay sameeyeen baaris ka hor inta aysan qoyska u ogolaan in ay aasaan meydka.

Dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu dambeysay ee deegaankaas ka dhacda iyadoo laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay isku dayayaan in ay saldhig ka sameystaan ​​halkaas oo weeraro qorsheysan ay ka geystaan.

1-dii Maajo, lix askari oo booliis ah ayaa ku dhaawacmay ka dib markii gaari ay wateen uu haleelay Walxaha Qarxa ee Rhamu, Mandheera. Saraakiishan ayaa la sheegay in ay wateen gaari rasmi ah oo ku sii jeeday magaalada Mandheera, waxaana ay ku jiireen qarax miino.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM