Soomaali kamid ah dad horleh oo Kenya ay ka heshay safmarka Covid19

Image

NAIROBI, Kenya – Laba shaqsi oo Soomaali ah ayaa kamid ah 124 qof oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay Kenya ka heshay safmareenka musiibadda caalamiga ah ee Coronavirus, sidda ay sheegtay Wasaarada Caafimaadka.

Ma cadda hadii Soomaalida laga helay cudurka ay ka baxeen gudaha dalka ama in ay ku qaadeen gudaha Kenya. Hase ahaatee, waxay sarre u qaadeysaa tiradda muwaadiniinta uu soo ridanayo xanuunka ee halkaas jooga.

Sidoo kale, waxaanan la ogeyn hadii bukaanadda cusub ay diyaarad ku tageen Kenya ama in ay kasoo gudbeen dhanka xuduudka.

Kenya ayaa kamid ah wadamadda caalamka si gaar ah dalalka bariga qaarada Afrika oo ay deganaanshiyo badan ku leeyihiin Soomaalida.

Kiisaska Covid-19 ee Kenya ayaa sii maraya 2,340, sidda uu xaqiijiyey Mutahi Kagwe, wasiirka caafimaadka oo intaas ku daray in xaaladaha cusub ay 119 Kenyan yihiin, laba Tanzaaniyaan iyo mid Ereteriyaan ah.

Sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ah ee 4-ta May, 2020, bogsashadda waxay gaartay 592, halka geeriduna ay cagacaeyneyso 78 ruux.

Si lamid ah dowladaha kale ee caalamka, Kenya ayaa tan iyo markii uu dilaacay cudurkaan sidda fudud u faafa waxay soo rogtay talaabooyin dhowr ah oo lagu xakameynayo oo kamid yihiin bandow iyo joojinta duulimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM