Soomaaliya: Kenyanka ku biiraya Al-Shabaab oo yaraadey
NAIROBI, Kenya - Al Shabaab ayaa ajaaniibta kasoo qorata dalalka dariska ah, iyadoo ay yaraadeen dadka Kenyanka ah ee ku biiraya kooxda, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Laba nin oo Tanzanian ah ayaa lagu qabtay Gaarisa Arbacadii lasoo dhaafay, xilli ay u socdeen inay ku biiraan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.
Waxay ahayd markii saddexaad oo sidan oo kale ah loo xiro ajaaniib doonayey in ay qortaan ku biirista Al-Shabaab muddo bil gudaheed ah. Tani ayaa muujinaysa sida ajaaniibta dalalka Geeska Afrika imaanaya ay soo maraan Kenya.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in tirada dadka Kenyaanka ah ee kusoo qulqulaya Soomaaliya ay hoos u dhaceen, kadib markii ay ogaadeen in lagu khiyaamaynayo ballanqaadyo lacag iyo taageero qoys.
Cabdiraxmaan Shaffi Mkwatili oo 25 jir ah iyo Sadam Jafari Kitia oo 30 jir ah ayaa la xiray 12-kii bishan. Waxay labadan nin oo u dhashay Tanzania wateen buug ay ku qoran yihiin tilmaamo ku qoran luqadda Sawaaxiliga oo ku saabsan jidka ay u marayaan magaalada Jilib ee Soomaaliya.
Dadkaan ayaa laga soo qabtay deegaanka Korakora, sida ay sheegeen booliska howlgalka ka qeyb qaatay.
Eedeysanayaasha ayaa sheegay inay u socdeen Soomaaliya si ay ugu biiraan Al-Shabaab ka dib markii ay ka qorteen qaab Online ah iyagoo ku sugan Tanzania, sida ay booliisku sheegeen.
Booliisku waxay sheegeen in ay ogaadeen in Al-Shabaab ay beegsanayso dhalinyarada gobolka, iyadoo dad badan oo aan Kenyan ahayn ay u safrayaan Soomaaliya si ay ugu biiraan Al Shabaab ama Daacish.
Waxaa la siiyaa hab-raacyo safar oo ay uga fogaadaan isgaarsiinta, inta ay jidka ku jiraan, iyagoo dadka weydiinayaan waddada si ay uga fogaadaan in shaki la abuuro.
Ilaha booliiska ayaa sheegay in xiritaankii ugu dambeeyay uu yimid labo todobaad kadib markii seddex kale oo Tanzaaniya ah - Abdul Saif Salimu, Zuberi Ngare Mtondoo iyo Seif Abdalla Juma - lagu qabtay isla aagga xadka ka dib xog laga helay dadweynaha.
Nin u dhashay dalka Uganda ayaa sidoo kale dhawaan lagu xiray magaalada Libooye isagoo ku sii jeeday Soomaaliya. Booliska ayaa sheegay in arrintan ay ku suuragashay wadashaqeyn dhexmartay hay’adaha amniga iyo bulshada.
Laamaha ammaanka ayaa kordhiyey dabagalkooda iyo baaritaannada, iyadoo muddooyinkan dambe lagu arkay dad si degdeg ah u soo qab-qabtay dhallinyaro u socdaalaysay inay ku biiraan kooxaha argagixisada ee ka howlgala Soomaaliya.
Qaar ka mid ah ajaaniibta ku biiraya kooxaha argagixisada ayaa loo isticmaalaa is qarxinta, sida ay saraakiisha amniga Kenya sheegeen.
Kenya ayaa dhibane u noqotay weeraro ismiidaamin ah oo galaaftay nolosha dad badan tan iyo markii Ciidankeeda soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011.
Dhanka kale, Maxkamad ayaa Jimcihii 14-kii July waxay xukuntay Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqaan Abu Fidaa iyo Nuseiba Maxamed Cali oo lagu helay inay la shaqeeyaan Al-Shabaab.
Labo kale oo lagu kala magacaabo Cabdiraxmaan Idiris Xasan iyo Saalax Maxamed Khaliif ayaa la sii daayey kadib markii lagu waayay wax dembi ah.
GAROWE ONLINE