Soomaaliya oo hogaamineysa tirada geerida Covid-19 ee bariga Afrika

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa waxay hogaanka u qabatay wadamadda Geeska iyo Bariga qaaradda Afrika marka ay timaado tiradda dhimashada ka dhalatay fayruska safmareenka ah ee Corona [Covid19].

Sidda ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka federaalka, geerida uu xanuunka sababay ayaa illaa iyo haatan waxay mareysaa 32. Marka laga hadlo guud ahaan qaarada Afrika, Soomaaliya waa dalka 9aad.

Kiisaska ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxay gaareen 436 xaaladood, waxaana xanuunka ka caafimaaday tobban qof oo kaliya.

Illaa iyo haatan lama ogga sababta badisay dhimashadda, balse waxaa loo aaneeyay dadweynaha oo aan muujin feejignaan badan, wallow xukuumadda ay waddo dedaalo looga baaqsan karo faafista.

Dalka labaad ee dhaca bariga Afrika ee dadka ugu badan uu ku laayey xanuunka waa Suudaan, oo uu ku galaaftay 21. Tiradda kiisaska waddankaas waxay sii marayaan 237, waxaana ka bogsatay tiro badan.

Kenya ayuu ku dilay 14, waxaana uu soo ritay 363, sidda ku xusan warbixintii ugu dambeysay ee Wasaaradda Caafimaadka qaranka.

Itoobiya waxay xaqiijisay 3 dhimasho iyo 123 kiis; Jabuuti in ka badan kun kiis iyo laba geeri; Tanzania waa 300 kiis iyo tobban dhimasho; Eritrea waa 39 kiis, ma jirto geeri South Sudan, Rwanda iyo Uganda ma jirto dhimasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM