Soomaaliya oo looga adkaadey xubinimada golaha amniga AU-da

Image
Image
Image
Diblomaasiyiinta iyo Ergada Soomaaliya ayaa sameeyay wax ay ugu yeereen "bilow wanaagsan iyo dadaalo xooggan".

JABUUTI CITY, Jabuuti - Djibouti ayaa Soomaaliya kaga guuleysatay tartan ay u galeen xubnimada Golaha Amniga iyo Nabadda ee Midowga Afrika taasoo doorashadeeda ay maanta ka dhacdey Addis Ababa.

Jabbuuti oo ku adkaatay 19 cod halka Soomaaliya ay ka heshay  13 cod ayaa waxay Bariga qaaradda Afrika golaha ku meteli doontaa saddexda sanno ee soo socota - oo ah inta u dhaxeysay 2022-2025.

Kooxda Diblomaasiyiinta iyo Ergada Soomaaliya ee Midowga Afrika ee uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa sameeyay wax ay ugu yeereen "bilow wanaagsan iyo dadaalo xooggan".

Dad ku dhow ayaa kasoo xigtey "in ay taageero ballaaran kaga raadinayeen dalalka Midowga Afrika intii uu socday ololaha doorashada kursigan oo aad muhiim ugu ahaa Soomaaliya".

Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali oo kasoo muuqdey hoolka doorashadda ayaa kulamo doceedyo wuxuu la qaatay Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Afrika ee ka qeyb galayay Shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika.

Cilaaqaadka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaanan wanaagsaneyn shantii sano ee lasoo dhaafay oo uu jiray nidaamka madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maamulka Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in ay "wiiqeen xiriirka walaaltinimo ee Jabuuti" wallow dhankooda ay ku doodayaan in ay diiradda saareen maslaxadda ummadda Soomaaliyeed iyo gaariska siyaasada dibada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM