Sucuudiga oo beeniyay in uu maxaabiis ku dilay Yemen

Image
Xulafada uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa beeniyay in ay fuliyeen weerarka lagu laayay maxaabiista.

RIYADH, Saudi Arabia – Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa beeniyay wararka sheegaya in ay duqeeyeen xabsi ku yaala magaalada Sacda ee waqooyiga Yemen, xilli Qaramada Midoobay ay cambaareysay duqeymaha cirka ah ee ee ka dhacay dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan fallaagada Xuutiyiinta Yemen iyo hay'adda samafalka caafimaadka ee Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (Medecins Sans Frontieres, ama MSF) ayaa Jimcihii sheegay in daraasiin dad ah lagu dilay duqeyn subaxnimadii dhacday oo lala beegsaday xarun si ku meel gaar ah dadka loogu hayo oo ku taal waqooyiga magaalada.

Xuutiyiinta ayaa sii daayay muuqaal muujinaya shaqaalaha gurmadka oo meydad ka soo saaraya burburka, Taha al-Motawakel, oo ah wasiirka caafimaadka ee xukuumadda Xuutiyiinta ee ka talisa waqooyiga dalkaas ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in 70 maxbuus la dilay.

Al-Motawakel ayaa ku eedeeyay isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga in ay si bareer ah u beegsadeen dadka rayidka ah.

"Waxaan u aragnaaGAROWE ONLINE arrintan dembi dagaal oo ka dhan ah aadanaha. Dunidu waa inay xil iska saarto xilligan xasaasiga ah ee taariikhda aadanaha," ayuu yidhi.

Afhayeen u hadlay MSF ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in dhimashadu ay tahay ugu yaraan 70 qof halka 138 kalena ay ku dhaawacmeen.

Xulafada uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa beeniyay in ay fuliyeen weerarka lagu laayay maxaabiista.

"Isbahaysigu wuxuu ku wargelin doonaa Xafiiska Isku-dubbaridka Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA) ee Yemen iyo Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) xaqiiqooyinka iyo faahfaahinta," wakaaladda wararka ee SPA ee rasmiga ah ayaa Sabtidii sheegtay, iyadoo soo xiganaysa afhayeenka isbahaysiga.

Al-Malki wuxuu sheegay in isbahaysigu uu la wadaagi doono labada wakaaladood "xaqiiqda iyo faahfaahinta, iyo sidoo kale macluumaadka khaldan ee warbaahinta" ee Xuutiyiinta ee ku saabsan xarunta.

Siddeed hay'adood oo gargaar oo ka howlgala Yemen ayaa war ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay inay aad uga argagaxeen warka sheegaya in in ka badan 70 qof, oo ay ku jiraan muhaajiriin, haween iyo carruur, lagu dilay. Waxa ay sheegeen in xabsiga Sacda uu ahaa goob lagu xiro dadka tahriibayaasha ah,kuwaasi oo ka kooban dhaawacyo badan.

Xiisadda ayaa cirka isku shareertay toddobaadyadii la soo dhaafay kaddib markii guutada Giants ee Imaaraadku taageerto ay fallaagada Xuutiyiinta ka saareen koonfurta gobolka Shabwa, taasoo wiiqday ololahooda bilaha ah ee ay ku doonayeen in ay ku qabsadaan magaalada muhiimka ah ee Marib oo dhanka waqooyi ka xigta.

3-dii Janaayo, Xuuthiyiinta ayaa badda cas ka afduubtay markab ka babanaaya calanka Imaaraadka, iyagoo sheegay in markabka uu hub siday. Faragelintii xulafada Sucuudigu hoggaamiyo ee 2015 ee Yemen ayaa abuurtay wax ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay dhibaatada bini'aadantinimo ee ugu xun adduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sudan: RSF ay weerar ku qaadey saldhig ciidan iyo garoonka diyaaradaha ee Port Sudan

Xogtaasi waxay muujisay in diyaaraddaas oo kasoo kacday garoonka caalamiga ah ee Dubai ay ku wareegtay Badda Cas.

  • Afrika

    04-05-2025

  • 12:32PM

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM