Sudan iyo Itoobiya qarka u saaran dagaal milatari

Image

KHARTUUM, Sudan - Suurtgalnimada isku-dhac milatari oo dhexmara wadamadda Suudaan iyo Itoobiya ayaa sii kordheysa xilli xiisadda labada waddan ee xuduudka ay cirka isku-sii-shareereyso.

Taliska milatariga Sudan ayaa sheegay in dhigooda Itoobiya ay weerar ku qaadeen degaano dhaca xadka isla markana ay dileen dad shacab ah.

Wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency ayaa warisay in taliska ciidanka Suudaan uu "diyaar u yahay in uu difaaco dadkiisa iyo dhulkooda".

"Maleyshiyaadka Itoobiya looma ogolaan doono in ay kuso laabtaan dhulkii ay horey u xukumi jireen," ayuu ku daray taliska, sidda ku xusan warbixinta.

Talaadadii, Itoobiya ayaa ku eedeysay ciidamadda Suudaan in ay "kusoo xadgudbeen" sohdinteedda, waxaana ay carabka dhufatay in muranka kala dhaxeeya Addis Ababa iyo Khartuum aan wali ka xalin.

Jimcadii, Guddiga xuduudaha Itoobiya ayaa soo saarey bayaan uu ku sheegayo in muranka labada dal uu jiro qarni kahor isla markaana ay tan iyo waqtigaas ay xaaladu ku daganeyd heshiis la saxiixay 1902.

Labada waddan ayaa isku haya degaanka dhul beereedka caanka ku ah ee Al-Fashqa. Labada dhinacba waxay isku eedeynayaan in ay kala hubeynayaan maleyshiyo halkaas ka dagaalama. Mar walba oo midkoodba uu kan kale eedeeyo, dhinaca kale wuu beeniyaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM