Sudan oo saxiixdey heshiis ay xiriir kula yeelaneyso Isreal

Image
Image
Image
Image

KHARTUUM, Sudan – Suudaan waxay la saxiixatay Mareykanka “Heshiiskii Abraham” inkasta oo tallaabadaas ay diideen xisbiyadeeda siyaasadeed markii ugu horreysay ee lagu dhawaaqay bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Bayaan ka soo baxay xafiiska raiisul wasaaraha Sudan ayaa lagu sheegay in wasiirka cadaalada Nasredeen Abdulbari uu heshiiska la saxiixday xoghayaha maaliyada Mareykanka Steven Mnuchin oo booqasho ku jooga dalka.

Sii-hayaha Wasiirka Maaliyadda ee Suudaan, Hiba Ahmed, iyo Mnuchin ayaa sidoo kale "saxeexday heshiis is-afgarad ah oo ka dhacay Khartoum kaasoo xeerinaya in la diyaariyo dhabaha xiriirka Baanka Aduunka iyo Dowladda Suudaan".

"Tallaabadani waxay Suudaan u suurta gelineysaa in ay dib u soo ceshato in ka badan $ 1 bilyan oo maaliyad ah oo sanadkiiba laga helo Bangiga Adduunka markii ugu horreysay muddo 27 sano ah," ayaa lagu yiri bayaanka.

Safaaradda Mareykanka ee Khartoum ayaa daaha ka rogtay in heshiiska "uu gacan ka geysan doono dedaaladda Suudaan ku goobeyso isbedel dhinacyadda xasilloonida, ammaanka iyo fursadda dhaqaale".

Saxiixa ayaa yimid labo bilood uun ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in Suudaan ay bilaabi doonto in ay cilaaqaad diblumaasiyadeed la yeelato Yahuuda.

Dalal kale oo carbeed sidda Imaaraadka, Morocco iyo Baxreyn ayaa horey u shaaciyey in ay cilaaqaad diblumaasiyadeed la yeelanayaan Israa'iil ayaga oo u cuskaday in ay doonayaan in ay kula noolaadaan nabad iyo barwaaqo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweenay Itoobiyaan ah oo 12 sano sugaysay ubad ayaa dhashay shan mataano ah

Bedriya ayaa sheegtay inay farxad weyn dareemayso kadib sannado badan oo ay la daalaa dhacaysay sugitaanka ubad.

  • Afrika

    08-05-2026

  • 07:15PM

Madaxweyne Salva Kiir oo Eryay Taliyihii Ciidanka iyo Wasiirkii Maaliyadda

Dalkan oo ah midka ugu da'da yar Afrika, ayaa tan iyo iyo markii ka go'ay Sudan wuxuu lugaha kula jiraa dagaalo.

  • Afrika

    07-05-2026

  • 08:29PM