Suudaan: Dad ku dhintay god laga qodayey dahab oo dumay

Image
Mas'uuliyiinta ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dhaawacyo balse ma shaacin tiradda rasmiga ah.

KHARTUUM, Suudaan - Mas'uuliyiinta Sudan ayaa sheegay in ugu yaraan 38 qof ay ku dhinteen Talaadaddii kadib markii ay ku soo duntay god laga qodo macdanta dahabka oo ku yaalla galbeedka Kordofan.

Shirkadda macdanta ee dalka ay maamusho ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay burburka ku yimid goobihii la xiray, iyadoo macdanta aan shaqaynayn ay ka dhacday tuulada Fuja oo 700 kilomitir (435 miles) koonfurta ka xigta caasimadda Khartoum. Waxa ay sheegtay in sidoo kale ay jiraan dhaawacyo iyada oo aan la sheegin tiro cayiman.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa ku warantay in dhowr godad ay ku soo dumeen aaga macdanta Darsaya, waxaana dhimashada ka sokow ugu yaraan 8 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaal deegaanka ah.

Shirkadda macdan qodista ayaa Facebook-ga soo dhigtay sawirro muujinaya dadka tuulada oo isku urursanaya goobtaas iyadoo ugu yaraan laba cagaf-cagaf ahi ay ka shaqaynayeen sidii ay u heli lahaayeen dad badbaado iyo meydad suurtagal ah.

Suudaan waa waddan soo saara dahabka weyn oo leh macdan badan. Sanadka 2020, dalkan ku yaal Bariga Afrika ayaa soo saaray 36.6 tan, waana tan labaad ee ugu badan qaaradda, marka loo eego tirooyinka rasmiga ah.

Dowladda ku meel gaarka ah ayaa billowday in ay nidaamiso warshadaha labadii sano ee la soo dhaafay iyadoo lagu eedeeyay dhoofinta sharci-daradda ah ee dahabka, wallow ay iska fogeysay eedeyntaas.

Goobaha laga soo saaro macdanta dahabka ah ee Suudaan ayaa laga soo sheegay in ay aad u hooseyso hirgelinta heerarka badbaada shaqsiyaadka ka shaqeynaya waana sababta mar walba geerida loosoo wariyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM