Suudaan: Dad ku dhintay god laga qodayey dahab oo dumay

Image
Mas'uuliyiinta ayaa xaqiijiyey in ay jiraan dhaawacyo balse ma shaacin tiradda rasmiga ah.

KHARTUUM, Suudaan - Mas'uuliyiinta Sudan ayaa sheegay in ugu yaraan 38 qof ay ku dhinteen Talaadaddii kadib markii ay ku soo duntay god laga qodo macdanta dahabka oo ku yaalla galbeedka Kordofan.

Shirkadda macdanta ee dalka ay maamusho ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay burburka ku yimid goobihii la xiray, iyadoo macdanta aan shaqaynayn ay ka dhacday tuulada Fuja oo 700 kilomitir (435 miles) koonfurta ka xigta caasimadda Khartoum. Waxa ay sheegtay in sidoo kale ay jiraan dhaawacyo iyada oo aan la sheegin tiro cayiman.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa ku warantay in dhowr godad ay ku soo dumeen aaga macdanta Darsaya, waxaana dhimashada ka sokow ugu yaraan 8 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaal deegaanka ah.

Shirkadda macdan qodista ayaa Facebook-ga soo dhigtay sawirro muujinaya dadka tuulada oo isku urursanaya goobtaas iyadoo ugu yaraan laba cagaf-cagaf ahi ay ka shaqaynayeen sidii ay u heli lahaayeen dad badbaado iyo meydad suurtagal ah.

Suudaan waa waddan soo saara dahabka weyn oo leh macdan badan. Sanadka 2020, dalkan ku yaal Bariga Afrika ayaa soo saaray 36.6 tan, waana tan labaad ee ugu badan qaaradda, marka loo eego tirooyinka rasmiga ah.

Dowladda ku meel gaarka ah ayaa billowday in ay nidaamiso warshadaha labadii sano ee la soo dhaafay iyadoo lagu eedeeyay dhoofinta sharci-daradda ah ee dahabka, wallow ay iska fogeysay eedeyntaas.

Goobaha laga soo saaro macdanta dahabka ah ee Suudaan ayaa laga soo sheegay in ay aad u hooseyso hirgelinta heerarka badbaada shaqsiyaadka ka shaqeynaya waana sababta mar walba geerida loosoo wariyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM