Suudaan: Dad shacab ah oo ku dhamaadey duqeymo cusub

Image
Dagaalkan oo ka qarxay caasimadda Khartoum 15-kii April, kuna fiday gobolka Daarfuur dabayaaqadii bishan.

KHARTUUM, Suudaan - Ugu yaraan 16 qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramay in ay ku dhinteen gantaallo ay ciidammada Suudaan iyo kuwa Rapid Support Forces (RSF) isku-weydaarsadeen gobolka ay dagaalladu aafeeyeen ee Darfur, kuwaas oo ay ka dhaceen rabshadihii ugu xumaa tan iyo markii uu dagaalku billowday bartamihii Abriil.

Sabtidii, ururka qareenada maxalliga ah ayaa waxay shaaca ka dhigeen in duqeymaha cusub ay ka dhaceen magaalada Nyala, oo ah caasimadda gobolka Koonfurta Darfur.

Ururka Qareenada Daarfuur ayaa sheegay in dagaalkaasi uu sababay dhimashada 16 qof oo rayid ah oo ay ku jiraan qoys dhan, kuwaas oo ay ku waayeen dhammaan xubnahooda marka laga reebo hal qof oo dhaawac ah.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in kooxo ay bartilmaameedsadeen dadka ku nool Galbeedka Darfur, oo ay ku jirto caasimaddeeda El-Geneina, oo u dhow Chad, tobanaan kun oo qof oo degganaa ayaa ka qaxay xadka.

Dagaallada ka socda gobolka ballaaran, oo ay horey u aafeeyeen iskahorimaadyo bahalnimo ah horraantii 2000-meeyadii, ayaa sii xoogeystay tan iyo bartamihii bishii April markaasoo jeneraalada iska soo horjeeda ee Suudaan ay bilaabeen inay u tartamaan awoodda.

Dagaalkan oo ka qarxay caasimadda Khartoum 15-kii April, kuna fiday Daarfuur dabayaaqadii bishan, ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan 3,000 oo qof guud ahaan Suudaan, sida lagu sheegay qiyaas muxaafid ah.

Dagaallada ayaa sidoo kale ka socday Khartoum iyo nawaaxigeeda. Dadka deegaanka ayaa soo sheegay Sabtidii duqeymihii ugu horeeyay ee ciidamada cirka ay ku qaadeen tuulooyin ku yaala waqooyiga gobolka Gezira, oo dhanka koonfureed ka xiga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM