Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis
Port Sudan – Maxkamad la-dagaallanka argagixisada iyo dambiyada ka dhanka ah dowladda oo ku taalla magaalada Port Sudan ayaa Axaddii dil ku xukuntay hoggaamiyaha Ciidanka Gurmadka Degdegga ah (RSF), Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti), isagoo maqan, kadib markii lagu helay dambiga dilka guddoomiyihii hore ee gobolka Galbeedka Daarfuur, Khamiis Cabdalla Abakar.
Maxkamaddu waxay sidoo kale dil ku xukuntay, iyagoo maqan, ku-xigeenka hoggaamiyaha RSF Cabdiraxiim Xamdaan Dagalo oo ah walaalka Hemedti, iyo 14 eedeysaSuudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiisne oo kale.
Go'aankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee maxkamadeed ee ka dhan ah Hemedti tan iyo markii uu dagaalka u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo RSF billowday bishii Abriil 2023.
Maxkamadda ayaa eedeysaneyaasha ku heshay dambiyo ay ka mid yihiin dambiyada dagaalka, dambiyada ka dhanka ah aadanaha, xasuuq (genocide), iyo dambiyo ka dhan ah dadka iyo hantidooda.
Sida ay maxkamaddu sheegtay, Hemedti ayaa lagu helay inuu qorsheeyay isla markaana fuliyay falalkaas, halka walaalkiis Cabdiraxiim lagu helay inuu qorsheynta iyo fulintaba ka qeyb qaatay.
Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti, taliyihii RSF ee Galbeedka Daarfuur Cabdiraxmaan Jumca, iyo hoggaamiyaha qabaa'ilka Al-Tijaani Al-Daahir Karshuum.
Khamiis Cabdalla Abakar ayaa la dilay 14-kii Juun 2023, wax yar kadib markii uu RSF ku eedeeyay inay weerarro ku hayaan shacabka magaalada Al-Junayna ee caasimadda Galbeedka Daarfuur. Dowladda Suudaan ayaa kooxda ku eedeysay inay dishay Abakar isla markaana ay jirdil iyo tacaddi u geysatay meydkiisa, eedeymahaas oo RSF ay xilligaas beenisay.
Hay'adaha dowladda Suudaan iyo ururro caalami ah ayaa RSF ku eedeeyay inay xasuuqyo baahsan ka geysteen Al-Junayna, oo ay ku jiraan dilka boqolaal qof iyo barakicinta kumannaan ka tirsan beesha Masaaliid.
Suudaan ayaa dagaal ku jirtay tan iyo Abriil 2023, markii uu qarxay iska horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda iyo RSF, kaas oo salka ku haya khilaaf ka dhashay qorshe lagu doonayay in ciidamada RSF lagu daro milateriga dalka. Dagaalka ayaa sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani'aadantinimo ee ugu daran dunida, iyadoo tobannaan kun oo qof ay ku dhinteen, malaayiin kalena ay ku barakaceen.
GAROWE ONLINE