Suudaan oo laga soo wariyay xadgudubyo noqon kara dambiyo dagaal

Image
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xaqiiqo raadinta ayaa waxa uu soo saarey warbixintan

NAIROBI, Kenya - Sudan ayaa diiday warbixin ka soo baxday Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xaqiiqo raadinta, taasoo ku eedaysay kooxaha isku haya dalkaas inay gaysteen xad gudubyo ba'an oo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo noqon kara dambiyo dagaal.

War qoraal ah oo la sii daayay gelinkii dambe ee Sabtidii, ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay in warbixinta "ay ka gudubtay waajibaadkeedii."

Colaadda Suudaan ayaa bilaabatay kadib markii ay isku-dhacyo u dhexeeya ciidanka iyo xoogaga taageerada degdegga ah (RSF) ay ku qaadeen dagaal furan.

Hawlgalka Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii sheegay in labada dhinac ee iska-hor-imaadku ay geysteen "xadgudubyo aad u xun oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha," oo suurtagal ah in ay u qalmaan dambiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha.

Waxa ay ku baaqday in si deg deg ah loo joojiyo weerarada ka dhanka ah dadka rayidka ah, waxaana lagu booriyay in la keeno ciidan madax banaan oo dhex dhexaad ah oo ilaaliya shacabka.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku talisay in la balaadhiyo cunaqabataynta hubka ee ka jirta Darfur, sida ku qeexan Qaraarka Golaha Amaanka ee tirsigiisu yahay 1556 iyo go’aamadii xigay, si loo gaarsiiyo dhammaan Suudaan.

Tallaabadan ayaa looga golleeyahay in lagu xakameeyo qulqulka hubka, rasaasta, iyo taageerada kale ee la siinayo dhinacyada dagaallamaya loogana hortagayo in colaadda ay sii xumaato. Dadka rayidka ah ayaa wajahaya macaluul ka sii daraysa, barakac baahsan baahsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM