Tirada dhimashada colaada Suudaan oo gaartey 850 qof rayid ah
NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 18 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay iska horimaad cusub oo dhexmaray ciidamada Sudan iyo kooxda Rapid Support Forces (RSF) ee ku sugan gobolka Koonfurta Darfur ee galbeedka Suudaan, sidda ay shaaca ka dhigeen dhaqaatiirta maxalliga ah.
Ururka Dhakhaatiirta Suudaan ayaa bayaan uu soo saarey lagu sheegay in laba qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen rabshadihii ugu dambeeyay ee 20-kii bishii May ka dhacay caasimadda gobolka Nyala.
NGO-ga oo warkiisa kasoo xigtey illo wareedyo dadka degaanka ah ayaa caddeeyay in dhimashadu ay intaas ka badan karto iyadoo ay magaalada ka dhacayaan duqeymo culus.
Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo warbaahinta u waramay, dhowr qoys ayaa ka qaxay guryahoodii si ay gabaad uga dhigtaan meel ka baxsan magaalada.
Rabshadaha ayaa yimid inkastoo ay labada ciidan ee iska soo horjeeda ay ku heshiiyeen xabbad joojin toddoba maalmood ah Sabtidii ka dib wadahadallo ka dhacay Sacuudi Carabiya.
Ugu yaraan 850 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay in ka badan 3,300 oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalka u dhexeeya ciidanka iyo RSF tan iyo 15kii Abriil, sida ay sheegeen dhakhaatiirta deegaanka.
Kadib wada hadaladii ugu horeeyay ee fool ka fool ah oo ka dhacay Sacuudiga, ciidamada iyo RSF waxa ay saxiixeen 11-kii May is-faham ah in ay ka go’an tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku sugan Sudan.
Inkastoo heshiisku dhacay, haddana waxaa sii socday iska hor-imaadyada u dhexeeya labada dhinac ee iska soo horjeeda, gaar ahaan gudaha magaaladda caasimadda ah ee Khartoum.
Khilaaf ayaa bilihii ugu dambeeyay ka dhex abuurayay ciidamada iyo RSF, kaasoo ku saabsan ka mid noqoshada kooxda xagjirka ah ee ciidamada qalabka sida, taasoo ah shuruud muhiim ah oo ku saabsan heshiiska kala guurka ee Suudaan ay la gashay kooxaha siyaasadda.
Suudaan ayaa ahayd dowlad la’aan tan iyo bishii Oktoobar 2021, markaasoo millatari ay xilka ka qaadeen ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok dowlad ku meel gaar ah oo ay ku soo rogeen xaalad degdeg ah, tallaabadaas oo ay xoogagga siyaasaddu ku tilmaameen "afgambi".
Muddada ku meel gaarka ah ee Suudaan, oo soo bilaabatay Agoosto 2019 ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweyne Cumar Al-Bashiir, ayaa loo qorsheeyay in lagu soo afjaro doorashooyin horraanta 2024-ka waxaana muuqata in ay sidaas wax u hagaagi doonin dhowaan.
GAROWE ONLINE