Tiradda kiisaska fayruska Corona ee gudaha Itoobiya oo dhaafay 100

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Dadka laga helay Covid-19 gudaha Itoobiya ayaa dhaaftay 100, sidda xogta lagu helay. 659 qof oo la baarey 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa laga helay sagaal, wadarta guud waa 105.

Sidda laga soo xigtay wasiirka caafimaadka, Lia Tadesse, sideed kamid ah bukaanada cusub waa mwaadiniin Itoobiyaan ah; midka kelana wuxuu kasoo jeeda wadanka lagu magacaabo Equatorial Guinea.

Tadesse oo sii hadleysa ayaa daboolka ka qaadey in maalmaha soo aadan ay dad kale ka baarayaan, kuwaas oo natiijadooda ay soo bixi doonto dhowaan.

Lix kamid ah sagaalkooda waxay galeen safar dibadda ah, waxayna ku jiraan karantiil; saddexda kale waa la qaadsiiyey caabuqa.

Sidoo kale, waxay warbixintu shaacisay in hal bukaan uu kasoo bogsoodey cudurka, taas oo tirada guud ka dhigeysa 16 qof.

Waqti xaadirkaan 84 bukaan ayaa xaaladooda si gaar ah loola tacaalayaa, midkood ayaa ku jira xaalad aad u halis u ah.

Illaa iyo haatan, Itoobiya ayaa xanuunka safmareenka ah ka baartay 6,890. Kiiskii ugu horeeyay waxaa la xaqiijiyey 13-kii bishii Maaj. Muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee fayruska uu galaaftay waxay ka badan saddex.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM