Tobanaan lagu dilay weerar lagu qaadey xero barakac

Image
Rabshadaha aaggan oo salka ku haya macdan ayaa waxay dib u soo laabteen sanadkii 2017.

NAIROBI, Kenya - Maleeshiyo ayaa looga shakisan yahay inay weerar ku qaadeen xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo ku taal bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ayna dileen tobanaan qof.

Weerarkan ayaa habeenimo ka dhacay gobolka Ituri ee DRC, kaas oo la geliyey xaalad go’doomin ah tan iyo bishii Maajo 2021, waana tallaabo aan caadi ahayn oo ay dawladdu u qaadday si ay ula dagaallato kooxaha hubaysan.

Saraakiisha deegaanka ayaa Arbacadii sheegay in maleeshiyada ay dileen ugu yaraan 60 qof xerada barakacayaasha. Rabshadaha aaggan waxay salka ku haayaan macdan.

Charite Banza Bavi, oo ah madaxa kooxda maxaliga ah ee bini'aadantinimo ee degaanka Bahema-Waqooyi, ayaa ku sheegtay dhimashada 63, halka goobjooge uu sidoo kale xaqiijiyay xisaabta.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda, laakiin Budz ayaa ku eedeeyay in dagaalyahannada Iskaashatooyinka Horumarinta ee Kongo, kooxda hubaysan ee loo yaqaan CODECO.

Rabshadaha aaggan ayaa waxay dib u soo laabteen sanadkii 2017 waxaana inta badan eedeynta dusha loo saaraan soo bixitaanka CODECO oo sheeganaya inay difaacaan Lendu.

Weeraro lagu qaaday xeryo ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo socday muddo siddeed maalmood ah bilihii November-December waxaa ku dhintay 123 qof, sida ay sheegeen kooxaha u dooda xuquuqada bini'aadanimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM