Tunisia: Dad ku dhintey weerar lagu qaadey machad Yahuudeed

Image
Macbadka waa goob caan ah oo ay kumanaan Yuhuudi ah yimaadaan sanad walba.

TUNIS, Tunisia - Laba qof oo cibaadaysanayey iyo waardiye ayaa fiidnimadii Talaadada lagu dilay weerar lagu qaaday macbadka El Ghriba ee jasiiradda Djerba ee dalka Tunisia, sidda ay shaaca ka dhigeen mas'uuliyiinta waddankaas.

"Xubin ka tirsan ciidamada ilaalada badda ee Ahir Djerba ayaa dilay saaxiibkiis ka dibna u dhaqaaqay dhanka macbadka", ayay wasaaradda arrimaha gudaha ku sheegtay hadal qoraal ah.

War saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in ninka weerarka geystay oo ay isku dhaceen ciidamada ammaanka, la dilay, sagaal qof oo dhaawac ahna isbitaallada ku dhow loo qaaday.

Macbadka waa goob caan ah oo ay kumanaan Yuhuudi ah yimaadaan sanad walba iyaga oo kasoo kala sara qaaradda Yurub iyo Israa'iil inta lagu jiro xilliga xajka.

Xujeyda ayaa u dabaaldegayay fasaxa waxa loo yaqaano Lag B'Omer waxaana kala qeyb-galaya qayb aad u tiro yar oo kamid ah Yuhuuda ku nool waddanka Tunisia.

Tuniisiya wax xiriir diblumaasiyadeed ah lama laha Israa’iil, balse Israa’iiliyiinta ayaa loo oggol yahay inay dalka soo galaan, taasoo qayb ka ah socdaallada habaysan ee jasiiradda si ay u soo xajiyaan.

Inta badan Muslim Tunisia waxay hoy u tahay mid ka mid ah bulshooyinka Yuhuuda ee ugu weyn Waqooyiga Afrika. In kasta oo ay hadda ka yar yihiin 1,800 oo qof, Yuhuuddu waxay ku noolaayeen Tuniisiya ilaa wakhtiyadii Roomaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM