Uganda oo beenisay war ay Shabaab ka faafisay weerarkii Baraawe

Image

KAMPALA, Uganda – Dowladda Uganda ayaa qashinka ku dartay wararka sheegaya in askar looga dilay weerarkii shalay Al-Shabaab u maleegtay garoonka Baraawe ee lagu waramay in uu fashilmay.

Laba gaari oo laga soo buuxiyey walxo qarxa ayaa lagu bartilmaameedsaday saldhig ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo garoonka, balse waxaa lasoo wariyey in laga hortagay weerarkaas ismiidaaminta.

Mid kamid ah gaariga ayaa lagu burburiyey meel 1 KM u jirta madaarka, halka kan kale uu ku qarxay qeybta baabuurta la dhigto ee madaarka, taas oo sababtay burbur soo gaarey daaqadaha Terminal-ka.

Richard Karemire, afhayeenka ciidamadda Uganda, ayaa carabka ku adkeeyay in ay ka hortageen dhagar dhiig badan ku daadan karay.

"Ciidamadda markii lagu soo qaadey weerar gaadmo ah waxay si guul ah ay ku qarxiyeen laba gaari oo cadowga uu kasoo buuxiyey walxo qarxa," ayuu Jimcadii u sheegay mareegaha SoftPower News.

Wuxuu raaciyey: "Ma jiro askari ka tirsan ciidamadda Uganda oo ku dhintay ama ku dhaawacmay dagaalka, feejignaanta way sareysaa".

Maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh ururka Al-Qaacida ayaa wariyey in ay ku dileen qaraxyadda askar ka tirsan AMISOM.

Al-Shabaab ayaa looga bartay bisha barakeysan ee Ramadaan in ay xoojiyaan weeraradda, waxaana la filayaa in ciidamadda caalamiga ah ee dalka jooga iyo kuwa dowladda in ay xoojiyaan taxadarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM