Uganda: Taliye ka howlgalay Soomaaliya oo la dilay

Image

KAMPALA, Uganda – Milatariga iyo booliska Uganda ayaa sheegay in ay goobayaan gacan-ku-dhiigleyaashii ka dambeeyay dilka Gaashaanla Sare Noel Mwesigye, taliyihii hore ee Kumaadooska sidda gaarka ah u tababaran kaasoo habeenimadii Axada lagu googtey Luweero.

Afhayeenka mlatariga, Flavia Byekwaso, ayaa sheegtay in gacan-ku-dhiigleyaasha ay dileen Mwesigye xilli uu sii dayey hoygiisa xaafada Kikyusa ee degmada Luweero ayna horey u qaateen bastooladiisa.

"Illaa haatan waxba ma jiraan, balse waxaan wali wadnaa baaritaan," ayay tahay haweenaydan warbaahinta maxaliga u warantay.

Wargeyska Daily Monitor ayaa wariyey in Mwesigye uu iska caabiyey dableyda kahor inta aysan caloosha iyo lugta ka toogan.

Dadka degaanka ayaa dhaawac ahaan ugu qaadey xarunta caafimaad ee Holy Cross Health Centre oo ku taala Kikyusa Town, balse wuxuu geeriyooday isla markii ay ku guuleysteen in ay goobta tagaan.

Mwesigye, oo tababare ka ahaa Dugsiga Tababarka ee Jinja Junior Staff College, ayaa in ka badan 20-sano ahaa ilaaliye madaxtooyo.

Markii Korneyl laga dalacsiiyey lagana dhigay Laba-xidigle, wuxuu dajarada Gaashaanle ku noqdey Taliyaha ciidanka gaarka ah.

Sanadkii 2014-kii, Soomaaliya ayaa loosoo diray si uu u hogaamiyo ciidamadda Midowga Afrika ee la dagaalamaya ururka Al-Shabaab.

Balse, 2015-kii, Mwesigye iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamadda difaaca Uganda waxaa laga saarey Soomaaliya kadib markii Al-Shabaab ay 19 askari Ugandes ah ku dishay weerar ka dhacay Janaale.

Weerarkaas wuxuu ahaa dhacdadii ugu xumeyd oo Al-Shabaab u geysato ciidamadda Uganda. Maleyshiyada waxay sheegtay in falkaas ay ugu baroor-diiqayeen Amiirkooda Axmed Cabdi Godane, kaasoo ciidamadda Mareykanka ay khaarijiyeen sanadkii kasii horeeyay ee 2014-kii.

Ku dhowaad afar sano, Maj Mwesigye wuxuu ahaa howlgab illaa sanadkii hore uu tababare ka noqdey Dugsiga Jinja, waana xilka kaliya ee uu haayey illaa markii lasoo wariyey geeridiisa habeenimadii Axada.

Illo wareedyo ayaa u sheegay wargeyska Daily Monitor in dableyda ay mooto ku yimaadeen goobta falku ka dhacey isla markaana ay horey u dhaceen mehrado kale oo ka akdhowaa xaafadaha degmaddaas.

Mas'uuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin wasiiro iyo Xildhibaano ayaa ka tacsiyeeyay geerida Gaashaanlaha, waxaana ay wanaag iyo bedel wanaagsan u rajeeyeen xaaska, caruurta, qoyska iyo asxaabta Gaashaanla Sare Noel Mwesigye kaasoo ay ku sifeeyeen "shaqsi wanaag badnaa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo ku sii siqaya xuduuda Eritrea, iyadoo laga cabsi qabo dagaal cusub

Asmara ayaa sheegtay in eedeymaha Addis Ababa ee ku saabsan duullaanka ciidamada Eritrea ay u dhigmaan “ku dhawaaqid dagaal”.

  • Afrika

    14-10-2026

  • 06:08AM

Madaxweynihii hore ee Congo Kabila oo sameystay isbahaysi cusub oo beddelaya M23

Isbahaysigan ayaa Isniintii lagu dhawaaqay magaalada Goma ee bariga Congo, oo ay kooxda M23 gacanta ku dhigtay bishii Janaayo 2025.

  • Afrika

    13-10-2026

  • 07:45AM