Ugu yaraan 951 muhaajiriin oo dhintey xilli ay kusii jeedeen Spain

Image
Dadkan oo badankooda Afrikaan ah ayaa la waayey intii u dhaxaysay January iyo June.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 951 qof, oo ay ku jiraan 49 carruur ah, ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay badda ku gaaraan Spain lixdii bilood ee ugu horreysay 2023, sida ay sheegtay kooxda la socodka qulqulka muhaajiriinta.

Warbixin la sii daayay Khamiistii ayay Caminando Fronteras (Walking Borders) ku sheegtay in dadka ku dhintay badda ay ka soo jeedaan 14 waddan oo badankooda Afrika ah.

Dalalkan ayaa kala ah; Algeria, Cameroon, Comoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Ethiopia, Guinea, Ivory Coast, Mali, Morocco, Gambia. Senegal, Sri Lanka, Suudaan, Suuriya iyo Gambia.

Celcelis ahaan, shan qof ayaa naftooda ku waayey maalin kasta qeybtii hore ee sanadkan iyaga oo raacay afar waddo oo kala duwan: marinka Jasiiradaha Canary, marinka badda Alboran, marinka Algeria iyo marinka Gibraltar.

Bulshooyinka qaxootiga iyo hay’adaha samatabixinta ee goobta ku sugan, ayaa sheegay in 19 doomood oo ay la socdeen dhammaan dadkii la socday la waayey intii u dhaxaysay January iyo June.

Febaraayo iyo June ayaa la ogaaday in ay ahaayeen bilihii ugu badnaa ee ay ku dhinteen soogalootiga doonayay in ay gaaraan Yurub - 237 iyo 332 qof, siday u kala horreeyaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Spain ayaa sheegtay in 12,192 qof ay doon ku yimaadeen lixdii bilood ee ugu horreysay, taasoo afar boqolkiiba ka yar marka loo eego isla muddadaas sannadkii hore.

Waddada loo maro Spain ee loo maro jasiiradaha Canary ayaa noqotay tiradii ugu badnayd ee dhimashada la diiwaan geliyo, iyadoo ilaa 778 qof ay naftooda ku waayeen 28 shil waxaana arrinkan laga muujiyey walwal aad u xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM