Ugu yaraan 951 muhaajiriin oo dhintey xilli ay kusii jeedeen Spain

Image
Dadkan oo badankooda Afrikaan ah ayaa la waayey intii u dhaxaysay January iyo June.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 951 qof, oo ay ku jiraan 49 carruur ah, ayaa dhintay iyagoo isku dayaya inay badda ku gaaraan Spain lixdii bilood ee ugu horreysay 2023, sida ay sheegtay kooxda la socodka qulqulka muhaajiriinta.

Warbixin la sii daayay Khamiistii ayay Caminando Fronteras (Walking Borders) ku sheegtay in dadka ku dhintay badda ay ka soo jeedaan 14 waddan oo badankooda Afrika ah.

Dalalkan ayaa kala ah; Algeria, Cameroon, Comoros, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Ethiopia, Guinea, Ivory Coast, Mali, Morocco, Gambia. Senegal, Sri Lanka, Suudaan, Suuriya iyo Gambia.

Celcelis ahaan, shan qof ayaa naftooda ku waayey maalin kasta qeybtii hore ee sanadkan iyaga oo raacay afar waddo oo kala duwan: marinka Jasiiradaha Canary, marinka badda Alboran, marinka Algeria iyo marinka Gibraltar.

Bulshooyinka qaxootiga iyo hay’adaha samatabixinta ee goobta ku sugan, ayaa sheegay in 19 doomood oo ay la socdeen dhammaan dadkii la socday la waayey intii u dhaxaysay January iyo June.

Febaraayo iyo June ayaa la ogaaday in ay ahaayeen bilihii ugu badnaa ee ay ku dhinteen soogalootiga doonayay in ay gaaraan Yurub - 237 iyo 332 qof, siday u kala horreeyaan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Spain ayaa sheegtay in 12,192 qof ay doon ku yimaadeen lixdii bilood ee ugu horreysay, taasoo afar boqolkiiba ka yar marka loo eego isla muddadaas sannadkii hore.

Waddada loo maro Spain ee loo maro jasiiradaha Canary ayaa noqotay tiradii ugu badnayd ee dhimashada la diiwaan geliyo, iyadoo ilaa 778 qof ay naftooda ku waayeen 28 shil waxaana arrinkan laga muujiyey walwal aad u xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM