UN-ka oo qaylo-dhaan kasoo saarey xaalad ka jirta Tigray

Image
Antonio Guterres ayaa sheegay goor dambe oo Jimcihii ah inuu “wadnaha ka dareemayo dhibaatada haysata dadka Itoobiya”.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qeylo dhaan ka muujiyay "warbixinno badan oo aad looga xumaado" oo ku saabsan duqeymo ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya.

Warbixin kasoo baxdey xafiiska ayaa waxaa lagu caddeeyay in in ugu yaraan 108 qof oo ah rayid aan waxba galabsan lagu dilay tan iyo bilowgii Janaayo.

Liz Throssell, oo ah xafiiska afhayeenka Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (OHCHR), ayaa sharraxday weeraro lagu beegsadey bas yar oo gaar loo leeyahay, garoon diyaaradeed iyo xero ay ku jiraan dad barakacayaal ah. Ugu yaraan 59 qof ayaa ku dhintay duqeynta kaamka, taasoo ka dhigeysa tii ugu dhimashada badneyd ilaa hadda.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay goor dambe oo Jimcihii ah inuu “wadnaha ka dareemayo dhibaatada haysata dadka Itoobiya”, isagoo mar kale ka codsaday dhinacyada inay joojiyaan dagaalka.

Afhayeenka milatariga Itoobiya, Korneyl Getnet Adane iyo afhayeenka dawladda Legesse Tulu ayaan isla markiiba ka jawaabin codsiga ah in ay ka hadlaan duqaymaha la sheegay.

Dawladdu waxay hore u beenisay in ay beegsatay dadka rayidka ah iska-hor-imaadka 14 bilood jirsaday ee ay kula jiraan ciidamada Tigreega ee kacdoonka wada.

Jabhada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ee dagaalka kula jirta dawlada dhexe ee uu hogaamiyo ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa la aaminsan yahay in aanay lahayn awooda hawada ee ay ku qaadi karto duqeymo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM