Ethiopia: Tacadiyada xuquuqda aadanaha oo laga warbixiyey
ADDIS ABABA, Ethiopia - Xoogaga hubaysan ee ka soo jeeda gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya ayaa sare u qaaday dilalka, xadhiga baahsan iyo cayrinta qoomiyadda Tigrayga ee ku nool gobolka dariska la ah, sida ay sheegtay ‘Amnesty International iyo Human Rights Watch (HRW).
Galbeedka Tigray ayaa lagu arkay qaar ka mid ah raadadka rabshadihii ugu xumaa ee ka dhashay colaadda muddada sanadka ah u dhexeysa dowladda federaalka, xulafadeeda ka soo jeeda gobolka Axmaarada iyo TPLF oo ka talin jiray Itoobiya.
Amxaaradda iyo Tigrayga ayaa sheegta dhulalka barwaaqada ah ee galbeedka Tigray, oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Amxaarada iyo militariga Itoobiya.
Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadantinimada ayaa sheegay in 1.2 milyan oo qof lagu qasbay inay ka baxaan galbeedka Tigray tan iyo markii uu dagaalku billowday, oo ay ku jiraan in ka badan 10,000 oo qof todobaadkii ugu dambeeyay ee November.
Amnesty iyo HRW waxay sheegeen inay khadka taleefoonka ku waraysteen 31 qof oo ku nool galbeedka Tigray bilihii November iyo December, kuwaas oo ka sheekeeyay xad-gudubyo badan oo ay gaysanayaan ciidamada amaanka ee Axmaarada iyo maleeshiyaadka la socda.
"Shacabka Tigreega ah ee isku dayaya in ay ka baxsadaan mowjadaha rabshadaha cusub ayaa la weeraray oo la dilay. Dadkaan ayaa wajahaya xaalado naf-gooyo ah oo ay ka mid yihiin jirdil, xabsi, gaajo, iyo daryeel caafimaad oo loo diiday," ayay kooxuhu ku sheegeen hadal ay si wadajir ah u soo saareen Khamiistii.
Waxay sheegeen in booliska gobolka Amxaarada iyo maleeshiyaad mutadawiciin ah oo loo yaqaan Fano ay dadka Tigrayga ka saarayaan magaalooyinka Adebai, Humera iyo Rawyan. Lix goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Axmaarada ay toogteen dad Tigray ah oo ka baxsanayay xaafadaha magaalada Adebai.
Afhayeenka gobolka Amxaarada Gizachew Muluneh ayaa eedeymahaas ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Gizachew ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in ciidamada amaanka ee gobolku ay difaacayaan dadka shacabka ah ee Axmaarada ah ee ku sugan gobolkooda kuwaas oo uu sheegay in ay dhibanayaal u noqdeen xasuuqa ay u gaysteen ciidamada taabacsan kooxda TPLF.
"Waa wax laga xishoodo in lagu eedeeyo ciidamada amaanka ee dawlad deegaanka Amxaaradda iyadoo dadkeena ay la ildaran yihiin masiibo bini'aadantinimo oo aad u xun oo ay sabab u tahay duulaanka TPLF," ayuu yidhi.
Afhayeen u hadlay dowladda Itoobiya Legesse Tulu ayaa sheegay in ciidamada Tigreega ay mas’uul ka yihiin fal kasta oo waxashnimo ah.
Kooxaha xuquuqul insaanka ayaa sheegaya in dhammaan dhinacyada iskahorimaadku dhexmaray ay geysteen xadgudubyo. Maalmo ka dib markii uu dagaal qarxay Noofambar 2020, waxaa galbeedka Tigray laga soo sheegay dilal wadareed, oo uu ku jiro xasuuqii Mai Kadra, markii Tigraygu ay dileen boqolaal rayid ah oo Amxaaro ah ka dibna Tigreega ayaa lagu dilay aargoosi.
Horaantii bishan, HRW waxay sheegtay in ciidamada Tigreegu ay si kooban tobanaan qof oo rayid ah ugu toogteen laba magaalo oo ay ka maamulayeen gobolka Axmaarada intii u dhaxaysay 31-kii Ogosto iyo 9-kii September.
GAROWE ONLINE