Ururka ECOWAS oo hakiyey xubinimadda dalka Burkina Faso

Image
Talaabadan ayaa salka ku haysa inqilaabka milatari ee ka dhacay waddankaas.

OUAGADOUGOU, Burkina Faso - Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa shaaca ka dhigay in uu hakiyey xubinimadda waddanka Burkina Faso ka dib ciidamada afgambigii militariga dalkaasi ka dhacay.

Tani ayaa waxay noqoneysaa talaabadii ugu horeysay ee dalkii saddexaad ee xubnaha ka ah ururkaas lagu ciqaabo falka ay sameeyeen ciidamadda milatariga ee waddankaas.

Talaabada dalalka xubnaha ka ah ECOWAS ayaa imaanaysa dhowr maalmood kadib markii askarta gadoodsan ay ku qasbeen in uu iscasilo madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Roch Marc Christian Kabore.

Askartan oo kasoo muuqdey Telefishinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inay ciidankooda la wareegayaan dalkaasi oo ay sheegeen inay go’doomiyeen kooxo hubeysan.

Saraakiisha militariga oo kala diray baarlamaanka iyo xukuumada ayaa tibaaxay in Kabore uu ku guuldareystay inuu joojiyo rabshadaha ay ku dhinteen kumaankunka intii uu xukunka hayay.

Hogaamiyeyaasha dalalka Galbeedka Afrika ayaa Jimcihii iska arkay afgambiga Burkina Faso, waxaana la filayaa in wafdi ay maalmaha soo socda u diraan caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou.

Madaxweynaha Ghana, Nana Addo Dankwa Akufo-Addo, guddoomiyaha ururka ECOWAS, ayaa ku qeexay afgambiga dhowaan ka dhacay Galbeedka Afrika "xadgudub toos ah oo ka dhan ah mabda'ayada dimuqraadiga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM