Ururka Midowga Afrika oo hogaan cusub yeeshay

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo [DRC], Félix Tshisekedi, ayaa la wareegay hogaanka Midowga Afrika, isaga oo noqonaya gudoomiyaha ururka muddo hal sano ah.

Wuxuu badalay dhigiisa koonfurta Afrika, Cyril Ramaphosa, kadib shir madaxeedkii AU-da ee meertada 34aad oo aaladda fogaan aragga ah ku qabsoomay Sabtida maanta ah.

Balse, Tshisekedi wuxuu sanadkan wajahayaa caqabado waawayn oo ay kamid yihiin cudurka faafa ee Coronavirus oo burburinaya nidaamka caafimaadka iyo dhaqaalaha.

Afrika ayaa illaa haatan waxaa ku hooseysa waxyeeladda fayruska marka lala barbar dhigo qaaradaha kale, iyadoo laga diiwaan geliyey 3.5 boqolkiiba kiisaska viruska aduunka iyo 4 boqolkiiba dhimashada guud ee aduunka, sidda laga soo xigtay Xarumaha Africa ee Xakamaynta iyo Kahortaga Cudurrada (Africa CDC).

Hasa ahaatee, dalal badan oo Afrikaan ah waxay la dagaallamayaan hirka labaad oo waxyeelo u geysan karta, waxaana ay isku dayayaan inay soo iibsadaan qiyaaso tallaal oo ku filan.

Hoggaamiyeyaasha Afrika waxay ka arrin-sanayaan diidmo ka dhan ah hadal kasoo yeeray dhigooda hodanka ah oo ah in ay tabarucaad siinayaan wadamada saboolka ah.

"Waxaa jira wadaninimo lagu saleynayo tallaalka Covid9 taas oo soo kordheysa, iyadoo wadamada kale ee hodanka ah ay safka ka boodayaan, qaarkood xitaa waxay sii dalbanayaan wax ka badan inta ay u baahan yihiin," ayuu yiri Moussa Faki Mahamat, oo ah gudoomiyaha guddiga fulinta ee AU, Komishanka Midowga Afrika, wareysi uu dhawaan bixiyay laguna daabacay barta internet-ka ee ururka.

Maalgelinta tallaalka ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo kulanka. Arimaha kale ee qaarada horyaala waa muranka biya xidheenka Nile iyo isku dhacyada ka jira Itoobiya gaar ahaan Tigray, Sahel iyo Jamhuuriyada afrikada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM