Ururka Midowga Afrika oo yeeshay hogaan cusub

Image
Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, ayaa xilka kala wareegay dhigiisa DRC ee Felix Tshisekedi.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha Senegal, Macky Sall, ayaa Sabtidii xilka kala wareegaya dhiggiisa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo Felix Tshisekedi, isaga oo noqonaya Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika ee sanadka 2022-ka.

Sall ayaa si rasmi ah jagada kula wareegay shir madaxeedka 35-aad ee Midowga Afrika oo ka bilowdey magaalada caasimadda ah Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Senegal ayaa waxaa jagadaas ku taageeray Ururka ECOWAS, kaasoo saf ugu jiray inuu soo saaro Guddoomiyaha xiga ee Midowga Afrika. Wuxuu xilkan hayn doonaa 2022-2023.

Qabashada xilkan ayaa Sall waxay ka dhigan tahay markii afaraad oo hoggaamiye Senigaal ah uu maamulo Midowga Afrika ka dib Léopold Sédar Senghor (1980) iyo Abdou Diouf (1985 iyo 1992).

Qabashada xilka guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jiraan caqabado siyaasadeed, colaado iyo rabshado salka ku haya dhaqaale burbur ay ka oogan yihiin gobolka Galbeedka Afrika.

Mid ka mid ah dalalka Senegal dariska la ah ee Mali ayaa waxa uu ku hoos jiraa xukunka milatariga kuwaasoo talada la wareegay bishii May 2021 markii labaad muddo 10 bilood gudahooda ah.

Dalka kale ee ay jaarka yihiin ee Guinea-Bissau ayaa ka badbaaday afgambi horaantii todobaadkan kadib markii ciidamada daacada u ah madaxweyne Umaro Sissoco Embalo ay iska caabiyeen kooxihii weerarka soo qaaday iyaga oo watey qoryaha darandooriga u dhaca ayna beegsadeen hoy uu madaxweynaha kula kulmayey wasiiradda xukuumadiisa.

Guinea iyo Burkina Faso ayaa sidoo kale waxaa ka arminaya militari. Madaxweyne Sall ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato xal u helida kacdoonnada siyaasadeed ee Galbeedka Afrika. Sidoo kale, saameynta Covid-19 ayaa ah mushkilad xal u baahan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM