Volker Perthes: Suudaan oo ceyrisay wakiilkii Qaramada Midoobay

Image
Hoggaamiyaha Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa dhawaan ku eedeeyay Mr Perthes inuu hurinayo colaadda dalkaas.

KHARTUUM, Suudaan - Dowladda Suudaan ayaa ku dhawaaqday in ay go'aansatay in ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan dalkaas, Volker Perthes, ay erido una qabatay muddo 24-saac ah in uu ku baxo.

Perthes ayaa waxaa lagu soo rogay "persona non grata", taasoo la macno ah in wixii haatan ka dambeeya aysan u aqoonsanayn jagada uu ka hayo Suudaan.

“Dowladda Jamhuuriyadda Sudan waxay ku wargelisay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay ku dhawaaqday in Mr Volker Perthes uu yahay persona non grata laga bilaabo maanta," ayay wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay hadal ay soo saartay.

Mr Perthes ayaa Khamiistii ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi oo uu uga socday wadahadallo diblomaasiyadeed, sida lagu sheegay bogga Twitter-ka ee howlgalka Qaramada Midoobay.

Madaxa ciidamada qalabka sida ee Suudaan - ahna hoggaamiyaha dhabta ah ee Suudaan - General Abdel Fattah al-Burhan, ayaa dhawaan ku eedeeyay Mr Perthes inuu hurinayo colaadda dalkaas.

Al-Burhan ayaa waxa uu dalbaday in Perthes lagu badalo. Hase ahaatee, Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeys ayaan jawaab rasmi ah waxa aysan ka bixin eedeymaha loo jeediyay diblumaasigan.

Ka hor inta uusan bilaaban bishii Abriil iska-horimaadka u dhexeeya milatariga iyo xoogaga kasoo horjeeda, qeybo kamid ah Suudaan waxaa ka dhacay mudaaharaadyo lagu cambaareynayo "faragelinta shisheeye".

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM