Wadahadal u bilowdey dowlada Itoobiya iyo TPLF

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Hogaamiyaha TPLF EE dagaalka kula jira dowlada Itoobiya muddo sannad ka badan ayaa sheegay in dublamaasiyadda isu-socodka ah ay horseeday xoogaa horumar ah.

Wareysi naadir ah oo Debretsion Gebremichael uu siiyey BBC-da ayaa shaaca ka dhigay in wadahadalo aan toos ahayn ay la leeyihiin dowladda uu hogaamiyo Abiy Axmed.

Dagaalka ayaa horseeday barakaca malaayiin qof waxayna Qaramada Midoobay ay sheegtay in ku dhawaad ​​40% dadka Tigrayga ay la ildaran yihiin cunto yari aad u daran.

Mr Debretsion waxa uu soo jeediyay in dublamaasiyadda horusocodka ah ay shaqeyso, wuxuuna xusay in ay jireen ifafaalo horumar ah kadib wadahadalo aan toos ahayn oo lala yeeshay dowladda Itoobiya.

Gebremichael ayaa BBC-da u sheegay in uu doonayo in xal nabadeed la gaaro balse waxa uu intaa ku daray in hadii loo baahdo ay u dagaalami doonaan sidii ay u ilaalin lahaayeen xuquuqda qoomiyada Tigreega.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa muujiyay astaamo muujinaya inuu ka fikirayo beddelka tallaabo milateri taasoo ka dhigan in uu diyaar u yahay gelitaanka wadaxaajoodyo nabadeed.

Maxaabiis ayuu xabsiga ka sii daayay, wuxuuna hadda u arki waayay kooxda TPLF inay khatar ku tahay awooddiisa, wuxuuna qaaday xaaladdii degdegga ahayd.

Balse waxa wadada nabadda sii adkaynaya ayaa ah sheegashada dhulka Axmaarada iyo rabitaanka madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee ah in uu burburiyo kooxda TPLF taasoo qarxin karta dagaal kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM